Somalia: Ciidamada Xasilinta oo hub kasoo qabtay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada Xasilinta Caasimadda ay ka sameeyeen howlgal lagu soo qabtay hub.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen labo nin oo watay qoryaha AK47 Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Raggaan ayaa la sheegay in laga qabtay Guri ku yaalla degmada Waaberi.

Labada ruux ee lagu qabtay hubkooda, ayaa waxay ku sugnaayeen guri ku yaala degmada Waaberi, waxaana la sheegayaa in xabsiga loo waday si su’aalo looga weydiiyo hubka ay heysteen.

Waxaa wali magaalada Muqdisho ka soconata baaritaanada amni xaqiijinta ay sameynayaan ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo loo qorsheeyay xasilinta caasimada.

Ciidamada amaanka Caasimadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here