Somalia :Cali Cosoble oo R/wasaare Kheyre ku eedeeyay xil ka qaadistiisii

Madaxweynihii waayay codka kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha dalka inuu ka dambeeyay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Cali Cosoble, ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhaqaalo badan ku bixiyay mooshinka xildhibaanada Hirshabelle ay xilka kaga qaadeen.

“Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka dambeeya afgambiga fashilmay ee maanta Jowhar ka taagan, dhaqaale ayuu ku bixiyay, anaga ayanan garan oo daacad iska aheyn”. Ayuu yiri Cosoble.

Cosoble ayaa si gaar ah Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ugu eedeeyay in uu burburinayo Maamulka Hirshabeelle, balse uu isaga uun meesha ka bixi doono.

14-kii bishan ayay aheyd markii xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Cali C/laahi Cosoble, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen 68 Mudane.

Xasan Cali Kheyre iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaanan wali ka jawaabin eedeynta kasoo yeertay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here