Somalia :Baarlamaanka oo maanta ka doodayo mooshinkoodii ugu wanaagsanaa

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo kulan kamid ah kulamadooda caadiga ah, kaasi oo ka duwan kulamadoodii hore.

Guddoonka baarlamaanka waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah waxyaabaha laga heli karo gudaha dalka in laga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xildhibaano kale oo gaaraya ku dhawaad 50 mudane ayaa hogaaminayo mooshinkaan cusub oo ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka maanta waxaa ugu horeeyo:-

-ka doodista mooshin ku saabsan joojinta soo dhoofinta badeecooyinka laga heli karo dalka
-Ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka
-Akhrinta labaad ee hindise shaciyeedka isgaarsiinta

Mooshinka hadda ku jiro gacanta guddoonka baarlamaanka ayaa ah midkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo xildhibaanada baarlamaanka ay soo gudbiyaan, wuxuuna mooshinkaani dhiiro gelin u sameynayaa ganacsatada ku dhiiratay in gudaha dalka ay warshado ka sameeyaan.

Waxaa jiro waxyaabo badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen in la keeno gudaha dalka Soomaaliya, balse waxaa suuqa ka saara ganacsatada kale oo dibadda ka keenaya waxyaabaha gudaha dalka laga heli karo.

La soco dooda maanta waxyaabaha kusoo kordho Insha allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here