Somalia :Baarlamaaanka Soomaaliya oo ka shiraya xil heynta wasiirka dastuurka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka shirayo xil heynta wasiirka dastuurka Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jabriil oo dhawaan ka baaqday u yeeritaanka baarlamaanka Soomaaliya.

Dooda ka dhalatay todobaadkii hore baaqashadii wasiirka dastuurka ayaa waxaa ku kala qeyb samay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo qaar taageeray halka qaar kalana ay kasoo horjeesteen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay qorsheeyeen inay arrintaan dood adag ka yeeshaan ayna soo afjaraan maadaama laga baqayo inay saameynteeda u gudubto dhanka xukuumadda.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa lagu heystaa inuu Baarlamaanka hor-tagi waayay, kaddib markii loo yeeray, waxaana uu horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

Arbacadii lasoo dhaafay kulan xildhibaanada baarlamaanka ay yeelan lahaayeen ayaa u baaqday kooran la’aan maadaamo xildhibaanada baarlamaanka badankood aysan tagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here