Somalia :Aqalka sare oo guddi u saaray baaritaanka xiisadda Hirshabeelle & Duqeyntii Jilib

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta labo guddi oo aqalka uu leeyahay u xil saaray xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada Hirshabeelle.

Xil ka qaadis lagu sameeyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sababtay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Deegaanada Hirshabeelle.

Xildhibaano badan oo kasoo jeeda Hirshabeelle oo ka mid ah aqalka sare ayaa sheegay in xiisadda hadda taagan ay sababi karto xiisad kale haddii aan hadda wax laga qaban.

Xildhibaanada waxay sheegeen in shaqadoodii ay qabteen wasiir ka tirsan xukuumadda, iyadoo aan lala tashan xildhibaanada deegaanadaa kasoo jeedo.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ugu dambeyn shirka soo xiray ayaa sheegay in guddiga amniga iyo arimaha gudaha loo xilsaarayo soo ogaanshaha xaqiiqda dhabta ah dagaalo ka dhacaya Deegaanka Xeraale, duqeyntii ka dhacday degmada Jilib iyo xiisadda ka taagan Hirshabeelle.

Guddiyadan ayaa laga doonayaa inay maalinta berri ah usoo gudbiyaan xildhibaanada aqalka sare natiijada baaritaankooda, si go’aano ay kaga qaataan.

Sidoo kale guddiga xukuumadda ay u dirtay magaalada Jowhar ayaa laga sugayaa inay aqalka sare la wadaagaan waxyaabaha ay kusoo arkeen magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here