Somalia : Alshabaab oo bilaabay inay kaarar aqoonsi u sameeyaan odayaasha dhaqanka

Ururka al Shabaab ayaa bilaabay kaarar aqoonsi ah inay u sameeyaan Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan deeganada ay ka arimiyaan Shabaabka.

Kaararkaan Aqoonsiga ee Shabaab ay bilaabeen Odayaasha inay u sameeyaan, ayaa waxa ay ka bilaabeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo la isugu geeyay tiro Odayaal ah, kadibna loo sameeyay kaararka.

Shabaab ayaa kaararka Aqoonsiga ku qoraayo magaca qofka, qabiilkiisa, da’diisa iyo deegaanka uu dagan yahay, tani ayaa meesha ka saareysa shakiga Shabaab ay ka qabaan Odayaasha ay u sameeyaan Kaararka Aqoonsiga oo si nabadgelyo ah ku mari kara dhamaan dhulka Shabaab ay maamulaan.

Ka hor inta aysan Shabaab Odayaashan u sameyn kaararka Aqoonsiga ayaa waxa ay siiyeen tababar la xiriira dhanka Diinta iyo fekerka dagaalka ee Shabaab, si ay uga dhaadhiciyaan hadafka Al Shabaab.

Odayaasha Dhaqanka ee ku nool deeganada Shabaabka ay maamulaan oo aanan diidi karin awaamiirta Shabaab ayaa qaatay kaararkii loo sameeyay, maadaama haddii ay ka soo horjeestaan arintaasi Shabaab ay dilayaan ama xukuno kale ay ku ridayaan.

Xoogaga Shabaab ayaa amaro kala duwan waxa ay dul dhigaan dadka ku nool deeganada Shabaabka ay gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here