Somalia :Al-Shabaab miyaan laga xoreyn karin deegaanada Shabeelaha Dhexe [Sawirro]

Ciidamo badan oo ka socdo dalka Burundi kana mid ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo loo qorsheeyay xaqiijinta amaanka deegaanada gobolkaasi.

Dhibaato badan ayaa jirto oo shacabka Shabeelaha Dhexe ay kala kulmaan Al Shabaab, waxaana muuqata inuusan jirin qorshe la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanada Shabeelaha Dhexe.

Dhibaatadii u dambeysay ayaa aheyd markii dhalinyaro iyo caruur badan ay ka carareen deegaanada ay maamulaan Al Shabaab xili la doonayo in la askareeyo.

Caruurtaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana la sheegay inay ahaayeen kuwo aad u yar yar.

Maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa u muuqdo inuu ku mashquulsan yahay shaqooyin kale, halka madaxweynaha HirShabeelle uu ku mashquulay qancinta beelaha daga Hiiraan oo kaliya.

Haddaba waxaa la isweydiinayaa maxay tahay sababta Al Shabaab looga saari la yahay deegaanada xeebta ah oo dhaqaalo badan ay ka sameyn karaan madaxda HirShabeele.

Hoos ka daawo sawirada caruurtii la geeyay degmada Cadale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here