Somali lagu dilay laguna dhaawacay South Africa

Studay-Away-South-AfricaKoox Burcad ah ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen Dukaan ganacsi oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ku lahaayeen Magaalada Johanesburg Dalka K/Africa.

Weerarkaasi oo isku badelay Dagaal ayaa waxa uu geystay Khasaaro kala duwan iyadoo Soomaalidii la weeraray oo Bistoolad heystay ay muddo dagaal la galeen Burcadii dooneysay inay dhacdo.

Hal qof ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay oo ahaa labaduba Soomaali Dukaanka ka shaqeeneysay waxaana burcadii ay qaateen Lacag taallay sida la sheegay Dukaanka ay weerareen.

Deegaanka Suweeto oo ah Meesha maanta weerarka uu ka dhacay ayaa waxa marar badan lagu dilay Soomaali iyagoo dukaamadooda ku jirta loo dhacay qaarkoodna dab la qabadsiiyey xilli ay hurdayeen Goobahooda ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here