Somali Journalists Club in Sudan oo bayaan kasoo saaray dilalka loo geysanaayo suxufiyiinta soomaalida

Somali Journalists Club in Sudan oo bayaan kasoo saaray dilalka loo geysanaayo suxufiyiinta soomaalida Naadiga suxufiyiinta soomaalida Sudan “Somali journalists Club in sudan” ayaa dusha canbaareyn uga tuuray Canaasirtii ka danbeeyay dilkii wariye C/salaan Sheikh Xassan “Xiis” oo isagu si bareer cad loogu toogtay degmada xamar jajab ee magaalada muqdisho, kulan ay habeenimadii xalay qaateen golaha Naadiga suxufiyiinta soomaalida sudan kaasoo ay kaga arinsanaayeen sida looga badbaadi lahaa dilalka loo geysanaayo gabi ahaan suxufiyiinta soomaalida gaar ahaan kuwa naftooda u huray dowladda soomaaliya islamar ahaantana afka kula dagaalamay qeybaha kala duwan ee nabada kasoo horjeeda.

Si kastaba ha ahaatee Golaha Naadiga suxufiyiinta ayaa soo saaray qodobo baaq ah kaasoo ku wajahan dowladda soomaaliya,alshabaab, iyo dhamaan urura diimeedka u hanqal taagaya dilalka suxufiyiinta qodobadaasi oo kala ah :-

1- dowladda soomaali iyo alshabaab in ay joojiyaan ugaarsiga suxufiyiinta xiliga ay ku howlan yihiin soo bandhigida qaladaadka loo geysanaayo bulshada rayidka.

2- dowladda iyo alshabaab siyaasada iyo dagaalka aanan dhamaadka laheyn ee u dhexeeyo in aynan ku daba qaban suxufiyiinta iyo barimageytada oo dulman.

3- saxafigii lagu dilo isaga oo jooga dhanka dowladda in ay masuuliyadiisu qaadeyso dowladda soomaaliya maadama dhankaasi ay ka amriso dowladda.

4- in dowladda iyo alshabaab ay soo bandhigaan qaladaadka ay ku heystaan suxufiga inta aynan dhibaateynin ka hor.

Sidoo kale Golaha Naadiga ayaa ugu baaqay dhammaan umada soomaaliyeed gaar ahaan suxufiyiinta soomaalida in ay joojiyaan baroor diiqa oo ay kasoo horjeestan qeybaha dhibaatada ku heysa saxafiyiinta iyo mihnadooda barakeysan, islamar ahaantana dhaqaale u aruuriyaan caruurta iyo xaasaska ay katageen suxufiyiintaasi Ugu danbeyntii Golaha Naadiga ayaa canbaareyn dusha uga tuuray dowladda soomaaliya iyo shacabka ku dhaqan goobaha ay dowladda ka amriso maadama aynan ahayn dowlad iyo dadkeeda isku xiran islamar ahaantana u jilacsan cadowga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com  midnimo12@googlemail.com

Wariye: Anwar Bakhiit Sudan-Khartoum +249-25293622
Email:- wararka@live.se