Somaaliyeey halkeebaad ka socotaa ama usocotaa?:

Qoraaga Abdirahman Lido
Qoraaga Abdirahman Lido

Qormadaan waxaanu kusoo bandhigi doonaa qodobkan soosocdo:
kacdoonadii dalkasoo maray,maxaa kiciyay maxaasa laga kasbaday?
Dalka soomaaliya waxaa soomaray dhoowr kacdoon kuwaasoo isbedel ineey ukeenaan dadka iyo dalkaba lagu doonaayay.waxaana aan kasoo qaadan karnaa:
1-kacddoonkii AL- Imaam Axmed Gureey:

Waxa uu dhacay qarnigii 16 aad ee lasoo dhaafay sababtiisuna waxa ay ahayd:gumaad ay xabashidu ku haayeen dadyoowgii muslimka ahaa ee geeska afrigada bari. Kacdoonkaa waxa uu socday mudo 10 sano ah asgoo guud ahaan kala wareegay xabashida dhulkeedii oo ay caasimadoodii aksom ku jirto. Lakin dhamaadkii gacan ay xabashidu Bortaqiiska ka heshay aawgeed quluqulkii muslimiinta waalahakiyay kadib markii uu geeridyooday Imam axmed 1542kii.

  • Kacdoonkaan waxaa laga kasbaday:
    – Qulqulkii soomaalida reer guuraaga ee dhanka bari ilaa galbeed ahaa oo isku bedelaya waqooyi koonfur.
    – Oromada oo soo muslimtay.
    – Reer galbeedka oo markii ugu horeeyday geeska afrika sooo caga dhigtay.
  • 2-kacdoonkii Sayid M.C.Xasan:waxaa sabab u ahaa arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen:
    – Gumeystihii oo dalka kheyraadkiisa guranaayay
    – Gumeeystaha oo diinda islaamka weerar qaawan ku haayay dadkana iska gumaadaayay.
    Kacdoonkaa waxa uu socday mudo gaaarayso 22sano waxa uuna dagaal lagalay sadex awoodood oo kala ah:Ingiriiskam, talyaaniga iyo xabashida. Waxa ayna isga hor yimaadeen dhowr goobood ku waayoo gaaray ilaayo 36 goobood.

Lakin ugu dambeeyntii kacdonkaa waa lasoo afmeeray sayidkiina waa uu geeriyooday 1921.

Kacdoonkaa waxaa laga kasbaday:

  • – Gumeystaha oo gacan bir ah ummada ku qabtay dhamaadkii dagaaalka.
    – Abaaro haligay dadka iyo duunyada kuwaayoo cirbiyay dagaal.
    – Gumeyste garabkii istaage aanan godob iyo go’doon toona ka biqin(gumeeysi kalkaal).
  • 3-kacddoonkii leegada(s.y.l): kacdoonkaan waxaa sababay: dabaylihii xorriyada ee dagaalkii labaadee dunida dabadii babanaayay.askartii soomaaalida oo kasoo laabtay dagaalkaas ayagoo fikrado xoriyadeed xambaarsan iyo ingiriiska oo waagaa dhulka somaalida badi qabsaday doonaayana in ay soomaalidu ku taageeraan inuu siii joogo dalka.
    Sikastaba kacdoonkaan waxa uu sabab u ahaa dowladii lixdankii dhalatay taasoo mileterigu soo afmeeray xokun keedii 1969.
    4- kacdoonkii meleteriga 1969:waxaa sabab u ahaa:
    – Musuq dalka oo dhan hareeyay.
    – Dhaqaalihii dalka oo dhutis kama baxe noqday shirkado shisheeyana ay guud ahaan dhaqaalaha maamulaayeen.
    – Dhulkii soomaalida gumaystaha gacantiisa ku jiray oo aan waxba laga qaban.
    Meletaarku wuxuu isku dayay sibedel dhaqan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba inuu keeno. Markii ugu horeeysay kacdoonkii imam axmed kadib ayuu isku dayay inuu xoreeyo dalka soomaalida ee ay xabashida xooga ku haysato. Lakin arintaa waxa ay noqotay midaan hirgelin sababa jiray aawgood. Maxaasa laga kasbaday?:

– Dhaqaaalihii dalka oo dhulaka galay.
– Dhaqdhaqaaqyo hubeeysan oo dalka ka abuurmay.
– Ugu dambeeyntii dowladii oo daladeedii lalaabay.
5-kacdoonadii dalka kadhacay wixii intaa ka dambeesay waxa ay horsed unoqdeen: abaaro, fowdo iyo burbur dalka hareeyay ilaayo maantana aan xal loo helin.
Guntii iyo gunnaanadkii qormadan.somaliya waxa ay kasoo dhex baxday hagardaamo gumeysi (kacdoonkii axmed gureey waxaa sababay gumeysi, waxa ayna somaalidu isbalaarin dhuleed kusameeyday ayadoo gumeystuhu dhan ka ilaalinaayo ilaa ay si dhab ah udegto deegaanka ay manta dagantahay min jabuuti ilaayo gaariso).
Sidaa daraadeed waxaa lasaadaalin karaa ineey soomaalidu usocoto horuu mar weyn iyo ineey maalin uun geeska afrika dood la’aan hoggaamin doonto dhawaa iyo dheeraaba waayo dhaqaalaha aad arkayso oo ay afrika ku sameeysay , aqoonyahanadaan kasoo wax baranaayo yurub ,maraykanka iyo dalalka kale ee aduunka iyo dalka balaaran oo ay soomaalidu leedahay, isugeeynta wadartaa miyeey waxla’aan noqneeysaa?waloow aanu qadarta waxbadan u wakiilaneeynu oo aynu ayada ka warsugeeyno hadana waxaa hubaal ah in soomaaliya sida maaanta loo arkaa aysan sii ahaaan doonin 30sano ee soo soctaaa oo uuna ka dhici doono isbedel dhaqan dhaqaale iyo maamul hanaan wanaagsan culeeys kastaayi hajiree.

1 COMMENT

  1. soomaalidu waa dad xor ah aana marna ku raali noqon adoonsi
    taasna waa mid lagu yaqaan oo ay afriko iyo reer galbeedkuba hore u qireen.
    soomaaliyo waa wadanka kaliya ee ay halmar wada gumeysteen shan dowladood oo seddexna ka midtahay dowladaha caalamka ugu waaweyn ingiriis,faransiis,talyaani iyo kenyo iyo itoobiyo oo ingiriisku hibo u siiyay labada meelood oo ay naga haystaan.
    soomaaliyo waa wadan ku yaalo meel aad u qaymo badan waana wadan illaahey ku maneystay khayraad aad u fara badan, waxaa taas la jirto shacabkeena oo ah shacab geesi ah oon marna ogolayn in qof bani aadam ahi iskala weynaado
    ama adoonsado.
    waxaase jirto in aan qabno cudur xun oo geesinimadeena iyo khayr kastoo wadankeenu leeyahay afka ku shubtay,
    waa cudurka qabyaalada oo aafeeyay wadankeena, dhibkoow noo keenayna ay sababtay in wadankeeni maanta lagu qasbo inoow qaato waxa la yiraahdo fadraal oo aan wadankeena dani ugu jirin waayo fadraal waxaa lagu dhaqaa wadan leh diimo kala duwan iyo qowmiyado kala duwan.
    waxaan qabaa in shacabkeenu hadeey qabyaalada iska tuuri lahaayeen ay noqo lahaayeen shacabka caalamka ugu wanaagsan waayo soomaalidu waa dad leh karti aad u badan
    waa shacabka awood u yeeshay iyadoo aysan dowlad haysan ineey wadankoodi amuurtiisa socodsiistaan,waxaan dhisanay
    goobo tacliin laga bilaabo iskool illaa jaamacado,isgaarsiinta itisaalaat heersare ah,xawaalado caalamkoo dhan ka dhisan.
    goobo dhaqaale oo dalka iyo dibadaba ah oo waliba rag iyo dumarba leh tan ay caalamku la yaabeen waxeey noqotay in dad qaxooti ah ay sameystaan dhaqaale aysan xitaa dadki wadamadaasi sameysan sida islii kenyo,dubay oo ay soomaalidu tahay dadka ugu dhaqaalo badan.
    maansha allaah dadkeenu waa dad waxtar badan,waxaana leenahay dhaqamo wanaagsan oo aysan qabin xitaa muslimiin fara badan waxaana ka mid ah.
    soomaalidu waa dad dhexdooda wax istara taana waxaa la ogaaday markii colaadu dhacday ee dadkii qaxay ay walaalahooda usoo diri jireen masaariif.
    soomaalidu waa dad ku adag diintooda waxeynaka dhiseen meelihii ay uqaxeen masaajido iyo dugsiyo quraan iyo madaaris islaami ah oo ay ka faa,iideysteen muslimiinti wadamadaas joogay.
    soomaalidu waa shacab dhaxdiisa iska guursado mana badno ineey shisheeye guursadaan waana mid aan uga duwan nahay qowmiyadaha kale.
    soomaalidu waa dad aad geesi u ah taasina waxeey ku cadahay in aan wadankeeni oo dowlad la,aan ah aysan muddo dhowr iyo labaatan sano ah aysan gumeysi awoodin inoow wadankeena qabsado iyadoo kenyo iyo itoobiyaba dhowr goor soo weerareen laakiin soomaalidu iyagoo dhaxdooda iska dirirsan hadana markey gumeysiga arkaan iska eryi jireen.

    waxaan illaahey ka baryayaa in shacabkeenu dib u fikiro owna dareemo nicmooyinka faraha badan ee illaahey ku maneystay ayna iska daaweeyaan halka cudur ee aan leenahay (qabyaalada) oo hadaan ka caafimaadno noqolaheen shacab looga daydo waxkastoo wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here