Sneijder oo diiday inuu ku biiro kooxda Zenit

Kubad sameeyaha kooxda Inter Milan Wesley Sneijder ayaa sheegay inuu todobaadki hore iska diiday dalab ay usoo dirsatay kooxda Zenit St Petersburg ee ka dhisan dalka Russia.

Kooxdan reer Russia oo uu leyliyo macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Luciano Spalletti, ayaa ku dhawaaqday horaanti bishaan inay aad u xiiseynayaan xidigan u dhashay dalka Holland.

“Iyaga [Zenit] waxay diyaariyeen in ay ila wareegaan oo ay heshiis ila gaaraan, xaqiiqdiina waxba kama aysan qaldaneyn dalabkooda, laakin aniga uma maleynayo in uu kusoo aaday waqtigi saxda ahaa ee aan ka tagi lahaa Inter.” ayuu yiri Sneijder oo la hadlay wargeyska Voetbal International.

Sneijder, oo si xoog leh loola xiriiriyey inuu ku biirayo kooxda Manchester United xagaagi lasoo dhaafay ayaa sidoo kale la sheegayaa inay aad u dooneyso kooxda Anzhi Makhachkala ee dalka Ruushka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.