Siyaasiyiinta Mudolood oo shir xasaasi ah ku leh Cadale

ciiddanka-sh.dhexe_-640x360Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Beesha Mudulood, ayaa saacadihii u dambeeyay kulamo xasaasi ah ku lahaa deegaanka Cadale ee Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil uu kamid yahay Korneyl Qoondhe Nuur, ayaa hada ku sugan Degmada, kuwaasoo dejinaya qorshihii al-shabaab looga saari lahaa Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhan.

Sidoo kale waxaa Cadale ku sugan, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Muuse Suudi Yalaxoow, Cumar Finish iyo Dhagax tuur.

Masuuliyiintaan iyo saraakiisha ayaa la sheegay ineey ka wada hadlayaan, sidii al-shabaab looga saari deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here