Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo laga mamnuucay Ineey dhoofaan

Garowe:Maamulka Puntland ayaa amar duldhigay Siyaasiyiinta had iyo jeer dhaliila siyaasadaha maamulka Faroole ineey ka dhoofaan garoomada diyaaradaha ee halkaas ku yaala, gaar ahaan kuwa wata Baasaboorada shisheeye.

Khaliif Ciise Mudan, oo ahw asiirka amniga Puntland oo haatan ku sugan dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa ku dhawaaqay amarkaan ah in siyaasiyiinta hasyta Baasaboorada ajnabiga ah aysan kaduuli Karin garoomada diyaaradaha ee halkaas ku yaala.

Wasiirka amniga dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa xusay in kuwa wada dhibaatada amaan daro ay ku jiraan rag wata Baasabooro wadamada Caalamka ah.

Wuxuu tibaaxay in Siyaasiyiintaas ku sheegayaan ineysan ka dhoofeyn Garoon Diyaaradeed oo kuyaala Puntland isla markaana lawada joogayo gudaha Puntland dhibta laga wadona lagu wada Jiraayo.

…””” Waxaa ku jira rag wata Baasabooro oo raba iney banaanka u baxaan,taas lafteeda waxaan u sheegayaa Garoon Diyaaradeed oo Puntland kuyaala ineysan ka dhoofi karin oo aan amar ku bixiyey,,wadanka gudihiisana la joogaayo oo dhibta la wado lagu wada jiraayo…””ayuu yiri.

Maamulka Puntland ayaa u muuqanaya mid cadaadis farabadan saaraya dhaqdhaqaaqyada Mucaaradka kuwaasoo baryahaanba ku kacsanaa siyaasada C/raxmaan Faroole iyo mudo kororsiga halka sano ah ee uu ku darsaday, sidokale waxaa xusid mudan in maalmihii ugu danbeeyay magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas sida Boosaaso iyo Qardho ay ka dhacayeen dibad baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo maamulka Faroole.

1 COMMENT

  1. khaliif waxaan kula talinyaa inuu khamriga dadka tusaya iska yareeyo,dadku waa siman yahay Puntland dawladi kamaay jirto,ee khaliifoow aan kula tliyee khamriga iska yaraay boowe,faroole waa nin naftu ka baxaayso adna kumaad celin kartid .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here