Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Jubooyinka Oo Shir Ku Yeeshay Nairobi

Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa shir waxay ku yeesheen magaalada Nairobi, kaasoo ay kaga hadlayeen dagaalkii dhawaantan ka dhacay magaalada Kismaayo.

Dagaalka ka dhacay kismaayo oo u dhaxeeyay laba beelood, ayaa waxaa ku naf waayay in kabadan 10 qof, qaar kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Waxaa shirka ka hadlay C/laahi Xaaji Xasan, oo yiri: “shaqaaqadii 23kii bishan February ka dhacday magaalada Kismaayo, taasoo ahayd dad walaalo ahoo deegaanka wada dagan, waxayna keentay dhimasho iyo dhaawac, shirka aan Nairobi ku yelanayna waxan uga hadleeynay sidii loo joojin lahaa colaadahaas iyo sidii aan u muujin lahayn sidaan uga xunahay….

Odayaasha dhaqanka ee shirkaasi kasoo qayb galay waxaa kamid ahaa Yuusuf Maxamed Waceys, oo kamid ah gudoonka deegaanka magaalada Nairobi gaar ahaan jaaliyada Jubooyinka, waxaana uu tilmaamay ineey lagama maarmaan tahay in lagu kalsoonaado odoyaasha deegaanka kusugan oo ku filan sidii xal loo gaari lahaa, waxayna dhamaantood ka tacsiyeeyeen dhibaatadii halkaas ka dhacday iyo qaabka ugu haboon ee mamul wadajir ah loogu samayn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here