Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubooyinka oo loo diiday ineey gudaha u galaan Kenya

Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Jubooyinka, ayaa doowlada Kenya ay ka hor’istaagtay ineey gudaha u galaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana siyaasiyiintan hogaaminayay, C/qaadir Xaaji Maxamed “Suldaan luga Dheere”, oo isagu ka tagay gudaha magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiintaan ayaa sida ay warbaahinta u sheegeen, waxay ku wajahnaayeen shir ka dhici lahaa magaalada Nairobi loogana hadli lahaa, arimaha maamul u samaynta gobolada Jubooyinka.

Xubnahaan loo diiday ineey gudaha u galaan dalka Kenya, ayaa sida aan wararka ku heleyno waxa ay sheegayaan, in ay mucaarad ku yihiin maamulka hada loo sameeynayo gobolada Jubooyinka.

Ciidamada amaanka ee magaalada Nairobi, ayaa garoonka Jomo Kenyata ku celiyay siyaasiyiintan, waxayna u diideen ineey gudaha u galaan Nairobi.

Kadib markii uu warkaan soo baxay, ayaa Suldaan luga dheere oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in loo diiday ineey gudaha u galaan magaalada Nairobi.

“Markaabn gaarnay Kenya baa noola sheegay ineey warqad naga taalo, oo sheegeysa inaan mucaarad ku nahay shirka maamul u samaynta Jubooyinka” ayuu yiri Suldaan luga dheere, oo hogaaminayay siyaasiyiin loo diiday ineey gudaha u galaan Nairobi.

Axmed Xasan, oo isna kamid ah waxgaradka Jubooyinka, ayaa xaqiijiyay ineey u socdeen ka qayb galka shir ay qayb ka yihiin beesha Caalamka, shirkaasoo ay kusoo bandhigi lahaayeen qaabka ay uga soo horjeedaan maamul u samaynta Jubooyinka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa lahadal haayay in doowlada Kenya iyo Urur goboleedka IGAD, ay ku lug lahaayeen maamul u samaynta gobolada Jubooyinka, taas oo ay doowlada Soomaaliyana codsatay in faragalinta laga daayo maamulka loo sameeynayana Jubooyinka ay masuuliyadeeda yeelato doowlada Federaalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here