Siyaasiyiin kala taageeray shirarka Baydhabo

Siyaasiyiin kala taageeray shirarka Baydhabo
Siyaasiyiin kala taageeray shirarka Baydhabo

Ergooyin iyo siyaasiyiin kala taageersan shirar iska soo horjeeda oo looga hadlayo maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo ayaa sheegay in uu taageersan yahay shirka maamulka loogu samaynayo lixda gobol ee ka socda Baydhabo.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool Sheekh Xasan Ibraahim Lug-buur, oo isaguna ka mid ah ergooyinka isku khilaafsan shirka ayaa sheegay in xilligan aysan habboonayn in lagu mashquulo maamul u samaynta lix gobal.

Wuxuu oo jeediyay in saddex gobol uu ka koobnaado maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa shalay walaac ka muujiyay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here