Siyaasiyiin caan ah oo ku loolamaya xubnaha aqalka sare uga mid noqonaya HirShabelle

caliSiyaasiyiin caan ka ah gayiga Soomaaliya, ayaa ku loolamaya kamid ah xubnaha aqalka sare uga mid noqonaya maamulka cusub HirShabelle.

Siyaasiyiintaas ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi iyo Al-xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo horay uga mid ahaa Baarlamanka Federaalka.

72559379

Maamulka HirShabelle ayaa la filayaa in Isbuuca dambe qabtaan Doorashadda lagu dooranayo 8-da xubnood ee uga mid noqon doona Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

51426986

Musharixiinta ku loolami doona Xubnahaasi ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Somalia, Cali Mahdi Maxamed, Ra’isul-wasaarihii hore, Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Xildhibaan hore, Al-xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

73583272

Mas’uuliyiintaasi ayaa ugu cadcad xubnaha ku tartami doona Saamiga Maamul-gobaleedka Hirshabelle ku leeyihiin Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda, iyadoo ay 2 xubnood u gaar yahay Musharixiinta Haweenka ee rajada ka qaba inay ka mid noqdaan Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here