Siyaasiga cusub Yusuf Garaad oo Muqdisho soo gaaray

Kadib marki uu Talaadadi lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilki uu ka hayey BBC-da, ayuu Yusuf Garaad Cumar maanta kasoo dagay magaalada Muqdisho.

Saxigan isu badalay siyaasiga si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho isaga oo la hadal hayo inuu u hanqaltaagayo inuu maqaam ka qabto siyaasada dalka Soomaaliya.

Yusuf Gaarad ayaa marki uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cade waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey, siyaasiyiin, saxafiyiin iyo dhalinyaro, isaga oo intaasi kadibna la hadlay wariyaasha.

Wuxuu sheegay in uu bilaabi doono wada tashiyo ku aadan aayahiisa siyaasadeed isla markaana uu kadib ku dhawaaqi doono inuu isa soo sharaxayo iyo in kale.

Yusuf Garaar ayaa ka hadlay dilalka iyo qatarta lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in maalin un lasoo qaban doono kooxaha falalkaasi guracan geysanayo.

Baabuurta qaarkood ayaa waxa ku dhaganaa sawirada Yusuf Garaad sidoo kalana waxaa la arkayaa sawiradiisa oo ku dhagan meelo badan oo magaalada Muqdisho ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here