Siyaasiga Abuukar X. Cali oo isku soo taagay afhayeenimada Baarlamanka Hirshabelle

abukr-1Abuukar Xasan Cali Maqaney oo ah siyaasi rug cadaa ah, muddo dheerna ku soo jirey howlaha siyaasada dalka ayaa shaaciyay inuu yahay musharaxa guddoomiyaha baarlamaanka maamulka cusub ee Hirshabelle.

Shir jaraa,id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay Abuukar Xasan Cali oo ah haatan guddoomiye ku xigeenka gobolka shabeellaha dhexe ee dhanka arrimaha dib uheshiisiinta iyo federaalka Sh Abuukar Xasan Cali (Maqaneey) ayaa ku sheegay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Abuukar Xasan Cali ayaa sheegay inuu yahay mas’uul u taagan qabashada xilkaas aqoon badana u leh arrimaha baarlamaanka:“Waxaan ka mid ahaa baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ee difaacay xuduuda badda Soomaliya waxaan aqoon buuxda u leeyahay arrimaha baarlamaanka iyo arimaha shareecada islaamka marka waxaan u taaganahay qabashada gudoomiyaha baarlamaanka ” ayuu yiri Abuukar Xasan Cali.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here