Sirdoonka Ethiopia oo gacanta ku dhigay rag ka tirsan Al-shabaab.

Sirdoonka Ethiopia warsaxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay, in ay gacanta ku dhigeen rag katirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kuwaas oo doonayay ineey soo qafaashaan shaqaale katirsan QM, kuna sugan gudaha dalkaas.

Warkaan, oo ay baahisay wakaalada sirdoonka dalka Ethiopia, ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 8 xubnood oo Soomaali ah, islamarkaasna katirsan Al-shabaab, waxayna ragaan doonayeen sida warbixinta lagu xusay, ineey afduub u geystaan shaqaale katirsan QM.

Xiritaanka loo gaystay 8 qof ayaa waxa ay tahay midkii ugu xooganaa howlgal ay sameeyaan Ciidanka Ethiopia, gacantana ay kusoo dhigaan shaqsiyaad shabaab lagu eedeynayo, oo ka dhaqdhaqaayay gudaha dalkaas.

Warsaxaafadeed sirdoonka Ethiopia, ayaa waxaa lagu sheegay in 8 qof ee lagu tuhmayo ineey yihiin shabaabka kadagaalamo dalka Soomaaliya, ay wadeen qorshayaal ku aadan afduub ay u geystaan shaqaale ka tirsan QM, gaar ahaan barnaamijka dhanka cunada, taasoo xaruun ku leh gudaha dalka Ethiopia.

Ragaan laqabtay ayaa lagu eedeeyay ineey doonayeen, in marka ay soo afduubtaan shaqaalaha QM katirsan, in ay lasoo aadaan gudaha dalka Soomaaliya, kadibna ay madax furasho dalbadaan.

Wakaalada ma xusin waqtiga la qabtay raggaan, iyo meesha laga qabtay toona.

Maxkamad Ethiopian ah, ayaa bishii January waxay danbiyo ku heshay 10 qof oo lagu eedeeyay ineey katirsanyihiin Al-shabaab, islamarkaasna ay doonayeen ineey bartilmaameed kadhigtaan saldhigyada dhaqaalaha iyo siyaasada dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here