Sirdoonka Canada oo ka walwalsan dhalinyaro usoo safartay Soomaaliya

Sirdoonka ugu sareeya wadanka Canada, ayaa muujiyay walwalka iyo cabsida ay ka qabaan dhalinyaro Soomaali ah, oo haysta dhalashada wadankaasn, islamarkaana usoo safray Soomaaliya, kuna biiray Al-shabaab, oo hada dib ugu laabtay Canada.

“Dhalinyarada ku biiray kooxaha mintidiinta, waa kuwo qal qal galinaya amaanka Canada” sidaa waxaa golaha Odayaasha Canada u sheegay, Richard Fadden, oo ah maamulaha hay’ada sirdoonka Canada.

Hay’ada sirdoonka Canada, ayaa had ail gooni ah ku haysa tobonanaan dhalinyaro ah, oo usoo safray Soomaaliya, kuwaasoo la tuhmayo ineey tababaro kusoo qaateen saldhigyo ay maamusho kooxda Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab, oo iyadu kamid ah garab Al-qaacida, kana dagaalanta Soomaaliya, ayaa ah koox si weyn ugu guuleystay, ineey qoroto dhalinyaro farabadan oo ku nool, dalalka Canada iyo Mareeykanka.

Al-shabaab, ayaa si aad ah u isticmaala warbaahinta casriga ah, sida Facebook, Youtube iyo Twitter-ka, waxayna badanaa kusoo jiitaan dhalinyarda Soomaaliyeed ee qurba joogta ah, kuwaasoo aan micno badan ka fahansaneen diinta.

Cumar Xamaami, oo ah muwaadin kasoo jeeda dalka Mareeykanka, hadana katirsan kooxda Al-shabaab, ayaa la sheegaa inuu yahay shaqsiga ugu shacbiyada badan xaga aalada internetka, ninkaan ayaa bogaga Youtube-ka waxa uu soo galiyaa heeso Raab ah, oo doonayo inuu kusoo jiito dhalinyarada dibadda, isagoo ugu yeeraya Jihaad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here