Sirdoonada USA, Faransiiska iyo Britain oo DF ka dalbaday in loo gacan geliyo X. Fanax

Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey
Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey

Xubno ka socda Sirdoonka Mareykanka, Britain iyo Faransiiska ayaa la xaqiijiyay in DFS usoo kala direen codsiyo ay ku dalbanayaan in lagu soo wareejiyo Horjooge Xasan Fanax oo la sheegay inuu kamid ahaa ragga madaxooda la dul-dhigay lacagta isla markaana maalin laba habeen ka hor lagu qabtay degmada Kaxda ee gobalka Banaadir.
Xubnahaasi sirdoonka reer galbeedka ka jooga Somalia ayaa la sheegayaa inay ku andacoonayaan in Xasan Fanax uu qeyb ka ahaa weeraro dhowr ah oo loo abaabulay in lagu qaado xarumahooda ku yaalla Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxa ay Saraakiishu ku andacoonayaan in Xasan Fanax uu kaalin lixaad leh ka qaatay weerar bilowga 2016-ka ay Al-shabaab u qorsheysay xarunta Xalane balse ay fashiliyeen Ciidamada NISA.
Sidoo kale, DFS ayaa sheegtay in Xasan Fanax ay soo taageyso Maxkamad islamarkaana uu muteysan doono waxa uga soo baxo Maxkamada, inkastoo dalabka Saraakiisha reer galbeedka uu ka weyn yahay haddalka Dowlada ee ku aadan in Horjoogahaasi la maxkamadeynaayo.
Xasan Fanax, ayaa waxaa ka hoos shaqeyn jirtay inkabadan 200 oo maleeshiyaad ah, gaar ahaan kuwo fuliya weerarada lagu qabsado Xarumaha Dowlada, maleeshiyaadkaasi oo la sheego inay yihiin kuwo aan gadaal usoo jeesan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here