Sir Alex:haku mashquulina ilaalinta C.ronaldo

Macalinka kooxda Manchester United, Sir Alex, ayaa laacibiintiisa kula dar daarmay ineeysan waqtigooda ku lumin sidii ay u ilaalin lahaayeen ciyaaryahanka qatarta ah ee Realmadrid CR7, kadib markii ay cawada iskaga hor yimaadaan kulan katirsan UEVA Champion League.

C.ronaldo, ayaa 6 sano u ciyaarayay kooxda Manchester United, waxaana uu u saftay 290 kulan, isagoo u dhaliyay 117 gool.

C.ronaldo, ayaa noqday laacibka ugu wanaagsan dunida xiligii uu ku sugnaa naadiga Manchester, kahor intuusan ku biirin naadiga Realmadrid 2009.

CR7,ayaa markii uu ku biiray Realmadrid, dhaliyay goolal farabadan, waxa uuna shabaqa soo taabtay 185 mar, 184 ciyaarood, taasoo ah rikoor wanaagsan.

Ferguson, ayaa aaminsan in ciyaarta cawada ka dhici doonta Oldtraford, uusan Ronaldo kaligiis go’aamin Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here