Sir Alex oo xaqiijiyay in Wayne Rooney uu ka tagayo Manchester United

Weerar yahanka reer England Wayne Rooney  ayaa ka maqnaa ciyaartii Axadii shaley kooxda Man Un ay guusha ka gartay kooxda ee Swansea oo ka tiranayd horiyaalka Ingiriiska.

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay in uu ka dhaqaajin doono kooxda Red Devils xaggaagan.

Sir Alex Ferguson ayaa xaqiijiyay in Wayne Rooney uu dhawaanahan weydiistay isaga in uu ka tago kooxda Manchester United.

Ninkan reer  Scottish- ayaa hadalkan sheegay Arbacadii la soo dhaafay , markaas oo uu gabi ahaan ku dhawaaqay in uu ka fadhiisanaayo shaqada kooxda Man Un.

Horrey waxaa u jirray warar ay qoreen wargeyskada Ingiriiska kuwaasoo si waalan u qabasay suuqa, waxa ay lahaayeen weeraryahanka wuxuu codsigan dhiibay labo toddobaad ka hor.

Rooney wuu ka maqnaa ciyaartii shaley oo Man United ay 2-1 kaga badisay kooxda Swansea

Sir Alex ayaa la hadlay Sky Sports , wuxuuna xaqiijiiyay in xiddigii horre Everton uu doonayo kooxda marka uu xaggaagan dhammaado.

Rooney ayaa laga saaray tartanka horiyaalka kooxaha qaaradda Yurub Champions League wareegii 16-kii Real Madrid.

Si kastaba, kooxda Man United, ayaa hadda u muuqata in ay ceshaneyso 27-jirkan waxana ay ay qorsheeneysaa in ay u soo bandhigto heshiis cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here