Siminaar looga hadlayay doorka Haweenka kaga aadan Nabada, Ammaanka iyo Siyaada dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Siminaar ay ka qeyb galeen boqolaal haween ah oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay doorka haweenka kaga aadan nabagelyada, ammaanka iyo siyaasada dalka, iyadoo haweenkii ka qeyb galay siminaarka soo dhoweeyay natiijadii ka soo baxday shirka.

Siminaarkan oo ay soo diyaarisay Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed iyo Haweenka 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah Gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka ayaa sheegtay in doorka Haweenka ee soo muuqday ay qeyb weyn ka qaadatay Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD, iyadoo xustay in iyagoo meel fadhiyay ay shirisay, isla markaana waxqabakadooda soo bandhigtay.

“Haweenka garaadkooda waa kobcay waxay ka qeyb qaataan siyaasada, Baarlamaanka ku jireen Wasiiro, taasna waxay dhalisay markii ay muujisay dareenkooda Hey’adda CCD wada hadalada u qabatay”ayay tiri Xaawo C/llaahi Qayaad oo intaa ku dartay in shirka Garowe uu ahaa mid soo dhiciyay xuquuqda haweenka.

“Waa inaan u sacaba tunaa gabar xisbi furata, haweenkana kaalintooda qaataan, in la siiyo xuquuqdooda, waxaa hada helnay 30% shirkii Garowe, waa inaan soo dhacsanaa 50%, haweenka waa inay helaan safiirada, agaasimayaasha, wasiirada iyo wax walba”ayay intaa ku sii dartay.

Xoghayaha Guud ee Ururka Haweenka qaranka Faadumo Aadan Cosoble ayaa sheegtay in loo baahan yahay in haweenka ka shaqeeyaan ammaanka, iyadoo carabka ku dhajisay in haweenka ka soo barakacay Ceelasha Biyaha ay uga soo barakaceen nabadgelyo daro.

Mar ay soo hadal qaaday hadal ka soo yeeray Fu’aad Shongole oo ku aadanaa dadka ka soo barakacay Ceelasha Biyaha ayaa waxay kaga jawaabtay in sababaha u soo barakaceen qeyb ka tahay dhibaatooyinka ay badeen shacabka, isla makaana cabsi ay hoos geliyeen.

Sidoo kale Malyuun Sheekh Xeydar oo ka mid ahaa haweenkii ka qeyb galay ayaa ku dhaliishay hey’adaha ammaanka inay ka jiifaan sugida amniga, waxaana ay cadeysay in sida looga hortagi karo falalka amni daro iyo qaraxyada ay tahay in shacabka iyo ciidamada amniga wada shaqeeyaan.

Afhayeenka Ururka Haweenka Qaranka Xaliimo Macalin Abiikar ayaa sheegtay in isku biirida Al-Shabaab iyo Al-Qaacida aysan waxba soo kordhin, waxaana ay sheegtay in shacabka isku duubnaadaan.

Sahro Maxamuud Amiin oo iyana hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in shirka London ay ka rajeynayaan in natiijooyin wax ku ool ka soo baxaan, iyadoo u rajeysay guul iyo horumar dalka Soomaaliya aayihiisa looga hadlo inuu ka soo baxo.

Caasho Koos oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa intii uu socday siminaarka ka hadashay shirkii Garowe, waxaana ay sheegtay in Haweenka ay ka heleen shirkaas in 30% ka helaan dowladda cusub, waxaana ay cadeysay in dadaal weyn ay u galeen haweenka.

Ugu dambeyn siminaarkan ayaa ahaa mid haweenkii ka qeyb galay ay shucuurtooda ku muujiyeen, iyagoo soo bandhigay suugaano ay ku taageerayaan natiijadii ka soo baxday shirkii Garowe 2 oo ay soo dhoweeyeen in xuquuqdii haweenka ay soo baxdo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.