Siminaar looga hadlayay dhiira gelinta nabada iyo ammaanka oo maanta Muqdisho lagu qabtay

In ka badan 150-haween ayaa maanta loogu qabtay Magaalada Muqdisho siminaar halku dhigiisa ahaa dhiira gelinta nabada iyo ammaanka dalka Soomaaliyed, iyadoo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS oo soo qaban qaabiyay siminaarkan ayaa ka qeyb galayaasha ku dheeraadaan ahmiyada ay leedahay nabada, xasiloonida iyo ammaanka bulshada.

Gudoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed oo furtay siminaarka ayaa ka hadashay nabada iyo ammaanka muhiimada ay u leedahay bulshada, iyadoo xustay in haweenka dhibaatooyin badan uu ka soo gaaro dagaalada iyo amni darada.

“Haweenka raggooda waxaa baabi’iyay fikirka shisheeye ee dalka la keenay, ee ajaaniibta soo safriyeen, haweenka soomaliyed waxaa ku gablamay, oo asayda u soo saaray waa iyaga”ayay tiri Deeqo C/qaadir Axmed.

Sidoo kale Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) oo ka mid ah Gudiga Haweenka UYS ayaa ka hadashay in dhalinyarada qalbigooda la dareensiiyo in aysan dhaqan aheyn in aan la barin, waxyaabaha aan ka turjumeyn dhaqanka Soomaaliyed, waxaana ay ku baaqday in la baro dhaqanka soomaaliyed, isla markaana lagu koontaroolo wax kasta oo la baro.

Raxmo Dahir Maxamed ayaa iyana ka hadashay dhibaatooyinka colaadaha dalka ka jira inay sababeen abaaraha iyo macluusha dalka ka jirta, taasoo ay xustay inay sabab u aheyd in raxmadii Alle la haleeli waayo.

“Dilka iyo dhiiga muslimiinta ee la baneystay ayaa sabab u ah in abaaraha iyo dhibaatooyinka, hadii aan laga fogaan raxmada Alle waa sii fogaaneysaa”ayay tiri Raxmo Dahir oo xustay in dhibaatooyinkaas looga bixi karo in dadka ay dib tacbadaan beerahooda, si dalag beereedyada u soo go’o.

Sidoo kale waxaa ka hadlay siminaarka Luul Warsame Guuleed, Carfoon Wehliye Siyaad oo ka mid ah xubnaha Gudiga Haweenka, kuwaasoo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Hotel Muna ee lagu waxyeeleeyay dadkii rayidka ahaa, waxaana ay sheegeen in bulshada soomaaliyed looga baahan yahay inay ka feejignaadaan dhibaatooyinkaas foosha xun.

Jawaahir Baar-qab oo ka mid ah haweenka qurba-joogta ayaa sheegtay in hadii qurba-joogta aysan ka qeyb qaadan xalka dalka, ay dhici doonto, in dalka galo marxalad adag, waxaana ay sheegtay in magaalada Muqdisho is bedelka ka jira uu sabab u yahay bulshada oo sameysay biseyl dowladnimo iyo isku xirnaan sidii ammaanka iyo nabada looga shaqeyn lahaa.

Siminaarkan ayaa ahaa wajigii 3aad ee looga hadlayay dhiira gelinta nabada iyo ammaanka, sidii bulshada qeybaheeda kala duwan ay door muuqda uga qaadan lahaayeen, waxaana ka qeyb galayaasha ay ku ammaaneen Hey’adda UYS dadaalka ay had iyo jeer geliso bulshada, sidii ay wax ugu qaban laheyd.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.