Siminaar ku saabsan dhiirigelinta nabadda iyo xasiloonida bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho

In ka badan 150-Oday dhaqameed oo ka socday beelaha Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho ayaa maanta loo qabtay siminaar halku-dhigiisu ahaa “Sidee loo dhiirigelin karaa nabadda, ammaanka iyo xasiloonida bulshada Soomaaliyeed” oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Midnimada Dhallinyarada UYS.

Siminaarka oo ah qeybtii saddexaad ee odayaasha Muqdisho loo qabto ayaa waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay guddiga odayaasha Hay’adda UYS oo uga mahad celiyay Hay’adaasi doorka nabadda iyo xasiloonida loo soo celin karo.

Guddoomiyaha guddiga odayaasha Hay’adda UYS Abuukar Cusmaan Sheekh (Abuukar Ganey) ayaa halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka seminaarka, wuxuuna ugu horeyntii cambaareeyay falkii qaraxa is miidaaminta ee shalay ka dhacay baar Fatxi oo u dhow Hotelka Muna ee magaalada Muqdisho.


“Aad iyo aad ayaan uga xunahay falkii shalay lagu xasuuqay dad rayid ah oo goob maqaayad ah shaah ku cabayay qaarkoodna sheekeysanayay” ayuu yiri Abuukar Ganey oo sheegay in falkaasi uu ahaa mid waxashnimo ah oo lagu dabar goynayo hambadii ka hartay shacabka Soomaaliyeed.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Golaha dhaqanka midnimada beelaha Hawiye oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi khudbadaha ka jeediyay ayaa ka hadlay ajaanibta dalka ku sugan iyo weerarada lagu hayo ma mudan tahay in la taageero, wuxuuna Axmed Diiriye sheegay in qaraxyada ka dhacaya Muqdisho ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan ajaanibta dalka ku sugan, kuwaasi oo uu sheegay inay soo abaabulaan iyaga iyagoo u adeegsanaya dhallinyarada.

“Cilmiga dhigaya in baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa ee dhallinyarada loo soo dhiibo lagu qarxinayo dad rayid ah ma aha dhaqan Soomaaliyeed kuwa weeraraya raalli baan ka nahay” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye.


Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ah guddiga odayaasha Hay’adda UYS ayaa ku dheeraaday dhallinyarada maanta doorka ay ku leeyihiin taageerada ururka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dhallinyarada maanta ee Shabaabku adeegsadaan uu ugu weyn yahay 35-sano jir, sidaasi darteed ayuu sheegay in wiilashaas intooda badan aanay arkin nidaam dowladeed iyo waxa maamul wanaagu yahay.

“Aniga waxaan isleeyahay in yar oo ka mid ah dhallinyarada maanta ayaa ka badbaadeysa marin habaabinta Al-Shabaab, balse ma aaminsani dhallinyarada intooda badan in maanta ay ku soo hanuuni karaan shirar loo qabto iyo wacyi gelin waalid toona, waayo waxay dhasheen iyadoo dalka aanu ka jirin wax maamul ama nidaam dowladeed midna” ayuu yiri Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ugu baaqay dhallinyarada weli ku harsan Shabaab inay ku soo biiraan dadkooda, eheladooda iyo bulshada jecel nabadda.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbado ka jeediyay C/llaahi C/lle Wehliye, Nuur Xaashi iyo Xasan Maxamed Diirshe oo dhammaantoodba siyaabo kala duwan uga hadlay qaabka looga bixi karo abaaraha, xiriirka ka dhaxeeya ardayda, waalidka iyo macallimiinta iyo waliba qodobo kale oo ku saabsan burburka dalka ku dhacay qaabka looga soo kaban karo.