Simeone oo u mahadceliyay cayaartoyda Atletico

Simeone oo u mahadceliyay cayaartoyda Atletico
Simeone oo u mahadceliyay cayaartoyda Atletico

Macallinka Atletico Madrid, Diego Simeone ayaa u mahadceliyay cayaartoydiisa kaddib markii xaley ay u soo baxeyn fiinalka horyaalka  Champions League final.

Hoggaamiyaasha horyaalka Spain ee Liga ayaa 3 iyo 1 uga adkaatay Chelsea cayaar ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Kooxda Atletico Madrid ayaa iska xaadirineysa magaalada Lisbon ee xarunta dalka Portugal halkaasoo ay isku arki doonaan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid in Lisbon.

Goolasha ay ku adkaatay Atletico waxaa u kala dhaliyay Adrian Lopez, Diego Costa iyo Arda Turan.

Simeone ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay guusha ay gaartay kooxdiisa Rojiblancos isagoona xusay in ay guul ka keeni doonaan magaalada Lisbon.

“Waxay ahayd guul qurruxbadan oo mihiim ah noo ah, balse dadka ayaa lahaa fiinaalka ayaad tagi doontaan oo lacag ayeeba u ballan qaadeen cayaartoyda,” macallinka rer Argentine ayaa siddaas u sheegay Canal Plus.

“Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo cayaartoyda kooxda kuwaasoo door muhiim ah ku lahaa guusha aannu gaarnay.”ayuu sii raaciyay
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here