Siilaanyo: “Somaliland way soo dhaweyneysaa wadahadalo ay la gasho dowlada KMG Somalia”


Madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dhawaajiyey in ay soo dhaweynayaan wada hadalo dhex mara Somaliland iyo dowlada KMG Soomaaliya.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu ku sheegay Siilaanyo in suurta galnimada wada hadalada laba dhinac ay ku koobantahay oo kaliya iyaga oo u wada hadlaya sidi laba dowladood oo daris ah oo kale.

“Haa waanu soo dhaweyneynaa wadahadalo dhexmara Dowlada KMG iyo Somaliland, laakin waxa ay noqoneysaa in aan u wada hadalno sidi laba dowladood oo daris ah oo kale,” ayuu yiri.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa 23-ki bishaan kula kulmay magaalada London madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmd inkastoo kulankaasi oo uu ahaa mid bilow ahaa.

Madaxweyne Shariif ayaa todobaadkaan ka sheegay magaalada Muqdisho inuu ay soo dhaweynayaan wadahadalada Somaliland oo mudo ku dhawaad 20 sana ah raadinaysay aqoonsi.

Dowladaha Reer Galbeedka iyo Midowga Africa ayaa ku cadaadinaya Somaliland in ay la hadasho dowlada KMG Soomaaliya, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in Somaliland lagu tartar gelinayo in ay qeyb ka noqoto dowlada cusub ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.