Siilaanyo oo Hargeysa dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa galabta Hargeysa dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar shan maalin qaatay oo uu ku tagay dalka Isku taga imaaraadka carabta.

Siilaanyo iyo wefdiga uu hoggaaminaayay ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha Berbera, halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka warbxiyey waxyaalihii ay ka wada hadleen madaxda dawladda Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay inay safarkaasi uu ku soo dhammaaday guul, isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dhinac, isla markaana ay maalgashadaan Somaliland.

Wuxuu sheegay inay dawladda Imaaraadka carabta u bandhigeen inay wax kala qabtaan mashaariic kala duwan oo la xiriirta xagga horumarka sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, wadooyinka iyo adeegyadda kale daruuriga ah.

Sidoo kale, waxa uu Siilaanyo si weyn ugu mahad celiyay dawlada Imaaraadka oo uu sheegay in qaab wanaagsan ay isaga iyo wafdigiisa ay halkaas ugu soo dhaweeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, warar horrey u soo baxay oo ay saxaafadda qaar sheegeen ayaa sheegaya in wafdiga maamulka Somaliland inta ay joogaan Dubai, in ay lakulmayaan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka imaanayay Dooxa Qadar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here