Siidii : “Gacanta ayaan Ula Tageynaa Ciidamada Dowlada”

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ciidamada Dowlada ka geysanayaan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu si caro leh u sheegay inay gacanta ula tagi doonaan ciidamada caadeystay dhaca iyo kufsiga shacabka Gobolkaasi.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in dhibaatada ay Ciidamada Dowlada ku hayaan Shacabka ay tahay mid aan loo dulqaadan karin, wuxuuna sheegay in ka masuuliyiin ahan aysan u dulqaadan doonin ragaasi.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay madaxda ugu sareysa ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ay gaarsiiyeen dhibaatada ay ciidamada ku hayaan shacabka Gobolka, wuxuuna qiray inaan waxba laga qaban, wuxuuna xusay in masuuliyiinta maamulkaasi ay isku tashteen oo ay iska celin doonaan ciidamadaasi.

” Hadii aan dacwad gudbinay oo nalaga qaban waayay ciidamada, gacmaha miyaan laabaneynaa, waan iska celineynaa ciidanka wuxuu rabo ha ahaado ” ayuu si caro leh u yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhibaatooyin badan ku haya shacabka Gobolkaasi, iyagoo kufsaday gabdho iyo haween la qabo, sidoo kalana waxa ay dhac u geystaan dadka shacabka ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here