Siidii: “Dhowaan Ayaan Shabaab Kala Wareegi Doogaa Guud Ahaanba SH/Hoose”

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay dhowaan shabaab kala wareegi doonaan deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha gobbolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/Qaadir Nuur Siidii ayaa sheegay in maamulkiisu uu wado qorshihii ugu dambeeyey ee ay ku doonayaan inay Al-Shabaab kaga saaraan gobbolka.

C/Qaadir ayaa wacad ku maray in aysan sii joogi doonin Al-Shabaab xili uu sheegay inay ka soo baxayaan gobbolka Jubada hoose oo dagaallo uu kaga furan yahay.

Al-Shabaab ayaa iminka waxaa saaran cadaadis xooggan ee Militari ee kaga imaanaya ciidamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanayo, waxaana haatan ay u muuqdaan kuwa gacantooda ka bixin rabo magaalada Kismaayo ee ah halka kaliya ay Xarakada ku tiirsan tahay, waxaana magaaladaasi kaabiga ku haya ciidamada huwanta ah.

Hadalka Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aaday xilli Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen inta badan gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here