Sierra Lione oo 1,000 Askari usoo direysa Soomaaliya

Sugitaan dheer kadib, ayaa doowlada Sierra Lione, waxay 1,000 Askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika “AMISOM” usoo direysaa Soomaaliya, Ciidamadan ayaa in mudo ahba waxa uu tababar uga soconayay dalkaas.

Madaxweynaha dalkaas Ernest Bai Koroma, ayaa Khudbad dardaaran ah ujeediyay Askartaan loo soo wado Soomaaliya.

Madaxweyne Ernest Bai Koroma,  ayaa sheegay in dowladiisu diyaarisay Kun Askari oo hor leh oo ka mid noqon doona howlgalka ciidamada Midowga Africa ay ka wadaan Soomaaliya.

Sidoo kale madaxwynaha Sierra leon ayaa intaa ku daray in ciidamadan ay soo qaateen tababar dheeraad ah islamarkaan uu u dhanyahay qalabkooda ciidan wuxuuna u mahadceliyay dowlada Mareykanka iyo Ingiriiska oo uu sheegay in ay gacan ka geysteen diyaarinta ciidankan.

Ernest Bai Koroma, ayaa sheegay in Ciidankaan ay mudo 12 bilood ah qaadanayeen tababar aad u adag, islamarkaasna ay hada diyaar uyihiin ineey qayb kanoqdaan howlgalka AMISOM, ee Soomaaliya, waxaana uu dowladaha Mareeykanka iyo Britain ka dalbaday ineey ku taageeraan sidii Ciidankaan loogu daabuli lahaa Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa sida la qorsheeyay waxaa Soomaaliya loo soo daabuli doonaa Talaadada soo socota.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here