Sierra Leone oo waqtiga iyo tirada ciidan ee ay Somalia u direyso

Dowlada Sierra Leone ayaa sheegtay in bisha June ee sanadkaan ka dib u direyso dalka Soomaaliya ilaa iyo 850 askari oo qeyb ka noqon doono howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee (Unisom).

Afhayeen u hadlay sasiirka difaaca dalkaasi oo la yiraahdo Ken Jabbi ayaa u sheegay wargeyska Africa Review in haatan ay qaadanayaan ciidamada tababaradi ugu danbeeyey si ay ugu diyaar garoobaan safarka dalka Somalia oo ay dishteen dagaalo sokeeyey.

Ciidamadaasi ayaa u babac dhigi doono xoogaga Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, kuwaasi oo haatan meelo kala duwan ay weeraro uga hayaan ciidamada dowlada, kuwa Itoobiya iyo ciidanka AMISOM.

Sanadki hore ayey Sierra Leone wacad ku martay in ay ciidamo usoo direyso Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka milatari ee uu Midowga Africa ka wado Muqdisho.

Laakin ugu danbeynti wasiirka gaashaandhiga dalkaasi Alfred Paulo Conteh ayaa bishi lasoo dhaafay heshiis kula gaaray dalka Ethiopia Gudiga Midowga Africa taasi oo ah in ciidamada Sierra Leone ay gaaraan Soomaaliya bartamaha sanadkaan.

Afhayeenka wasaarada difaaca ayaa sheegaya in ciidamadani dhawaan loo soo gaba gabeeyey tababaro kala duwan oo xaga dagaalka ah, iyadoo tababarkana ay siiyeen qubaro milatari oo British ah.
Milatariga Sierra Leone ayaa tababaro joogta ah ka helayey milatariga Britian tan iyo markuu dhamaaday dagaalki sokeeyey oo dalka ka holcayey 11 sano.

Sierra Leone oo wax badan ka taqaana dagaalada sokeeyey ayaa soo gaba gabeysay rabshadihi dalkeeda ka dhacayey sanadki 2002.