Sideey u muuqan doontaa Kubadda cagta marka ay ka fariistaan C.ronaldo & Messi?

Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ahaa labada xidig ee sida joogtada ah ugu tartamayay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan dunida 10-kii sano ee lasoo dhaafay, majirin xidig kale oo iyaga kazoo ag dhawaan karay.

Messi ayaa 5 mar ku guuleeystay laacibka ugu wanaagsan dunida waxaana xusid mudan in 4 mar oo isku xigta uu ku guuleesytay, sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa isna 4 mar ku guuleystay abaalmarintan, sidoo kale sanadkaana labadooda kama foga in midkood ku guuleeysto.

Laakiin- labadaan xidig ee xaaraanta ku qabsaday dunida kubadda cagta inta badan dadka daawada Kubadda cagta iyaga ku mashquulaan, ayaa waxaa imaan doonta maalin uun ineey ka fariistaan ciyaara, balse tartankooda halkaas kuma sii istaagi doonee waxeey isku sii qabsan doonaan Buugaagta lagu qoro Taariikhda xidigaha soo maray Kubadda cagta.

Labadaan xidig ayaa baal dahab ka geli doona taariikhda Kubadda cagta, weeyna adkaan doontaa in la helo xidigo sidooda kale u xifaaltama sanado badan.

Balse su’aasha ugu weyn ayaa ah: maxaa ku dhici doona Kubadda cagta marka ay labadaan xidig ka fariistaan?

Neymar ayaa ah kan 1-aad ee dhaxli doona labadaan xidig islamarkaasna noqon doona xidiga Aduunka sanadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here