Sideey Juventus ku garaaci kartaa Real Madrid?

Allegri iyo kooxdiisa ayay qasab ku tahay ineey sameeyaan 5-taan arin si ay Real u garaacaan kama dambeysta Champion League.

1-Ku tiirsanaanta taatikada 3-5-2:  Qaab ciyaareedkaan wuxuu Juventus ka joojin doonaa weerarka halista ah ee Real Madrid, iyadoo gadaal ay safan doonaan sadexda shub ee magacooda loo soo gaabiyo BBC waxeeyna wajihi doonaan weerarka Real ee isna loo soo gaabiyo BBC.

2- Dani Alves: Xidigan da’da ah ee Reer Brazil waa mid si wanaagsan u yaqaana la ciyaarida Real Madrid, waxaana waajib ku ah inuu weerarka Juventus xoojiyo, gaar ahaan waa mid ku wanaagsan dhalinta iyo baasaska halista ah.

3-La tacaamulida Toni Kroos: Marka uu Allegri dajinaayo kaartada uu ku wajahaayo Real wa ainuu xisaabta ku darsadaa xidiga reer Germany Kroos kaasoo 94% Kubadaha uu baaso ama Karooso Goolal noqdaan. Kroos waa wadnaha Khadka dhexe ee Real Madrid, waxaana uu tartankaan intuu socday uu abuuray 31 Fursadood oo Goolal u qalmay.

4-Waaya aragnimada Mario Mandžukić: Allegri waa inuu Habeen dambe ku tiirsanaadaa waaya aragnimada Mario Mandžukić, kaasoo 2013 kii Bayern Munich kula soo guuleeystay Koobkan, gaar ahaan hadii uu Carvajal ka maqnaado safka Madrid booskiisana uu galo Danilo, waxeey fursad weyn u ahaan doontaa xidiga reer Croatia Mario Mandžukić.

Mario Mandžukić, ayaa ku wanaagsan Kubadaha madaxa, balse Ramos ayaa ahaan doona mid il gooni ah u yeesha xidigaan hadii uu Carvajal maqnaado isagoo caawin doona Danilo.

5-Kubadaha Madaxa: Dagaalka ku saabsan Kubadaha Madaxa Juventus iyo Real labadoodaba waa ka simanyihiin, maxaa yeelay waxeey haystaan dhowr ciyaaryahan oo dhankaas xariif ku ah-Tusaale ahaan Real waxeey haysataa Toni Kroos oo ku wanaagsan Karoosida Kubado Halis ah iyo Ramos oo isna badanaa dhaliya Kubadaha uu soo qaado xidiga reer Jarmal, sidoo kale Ronaldo,Benzema iyo Varane ayaa iyaga ku wanaagsan Kubadaha Madaxa, sidaas darted Juventus waa ineey iska ilaalisaa in Goosha afkeeda hore qaladaad ku galaan ciyaaryahanadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here