Sideey Al Shabaab u arkaan qodobadi kasoo baxay Shirki Istanbul

Xakara Al Shabaab ayaa marki ugu horeysay ka hadashay shirki dhawaan hogaamiyaasha Soomaalida ugu soo gaba gaboobay magalada Istanbul ee carriga dalka Turkiga.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa ku sheegay shirkaasi mid shiqrool loogu maleegay umada Soomaaliyeed isla markaana ay fashilin doonaan dabin kasta oo loo soo maleego.

“Shirka Istanbul wuxuu dhameystrir u yahay shirqoolada umada muslimiinta soomaaliyed lagu dhibaateynayay, kana gunaanada ayuu ahaa shirkii fashilmay ee Ingiriiska lagu qabtay, waxaa uu dhameystir u ahaa dabinkii iyo shirqoolkii alle ayaa fashiliyay sida kuwii hore, horaa u sheegnay waa uga dignay Shirka Istanbul markii uu dhamaaday kii Ingiriiska” sidaa waxaa yiri Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkiisa si toos ah ugu weeraray dowlada Turkiga oo uu sheegay in ay tahay dowlad dhibaato weyn la damacsan Soomaaliya, mucaawino iyo gargaarna ugu soo gabaneyso sida uu hadalka u dhigay.

“Turkiga meelaha ayuu naadinaya oo wuxuu leeyahay mucaawinaan wadnaa, waa been iyo baro bagaan, waxaa cadaatay runta, cidii Turkiga ka ag dhawaaneysa ha ogaato waa Kufri iyo gaalnimo inay yihiin, ujeedada ugu weyn waxa weeyaan maadaama horay u heysteen Baabi’intii Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta, in hadana dal kasta oo muslim ah lagu baabi’iyo, hadhowna waa mahadsan tahay la dhaho, Turkiga waxaa uu doonayaa sidii uu uga mid noqon lahaa Midowga Yurub”ayuu sii raaciyay hadalkiisa”. ayuu Cali Dheere.

Shirki Istanbul ayaa laga soo saaray qodobo lagu taageeray dowlada KMG ah iyo dowlad cusub oo Soomaaliya ay yeelan doonto bisha August, waxaa ka qeybgalay in ka badan 54 dowladood iyo hogaamiyaasha siyaasada iyo dhaqanka Soomaalida iyo sidoo kale ganacsato iyo qurbajoog.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. asiga shir hadi lo qabtaba somalia wax le lamalegay mu ku jiraa kan hadalkaleba makasayo miyaa mida kale somalia dhibka yaku wado oo adiga ka ahyn dinta adinkaa sidi aad rabtaan ufasiranayo miyanah oo marna markaa qar kin qarka kale ay isku fahmi wayan arin dhahayo in lais qarxiyo xaram waye marka kalena hala is qarxiyo iyo wax daran shegayo narta ale haidinku fogeeyee qasatan adigan indho galuska ah xaran ku nax yahow

Comments are closed.