Sidee loo noqdaa maamule Isboorti? WADANIGA DHABTA AHOW DHUGO!!!!

Qoraalkani ma ahan mid laab la kac ah, mana ahan mid cid wax looga sheegayo  laakin waaa qoraal loogu tala galay in looga horgato dad usoo dhar-dhigtay been sheegid, iska hor keen umada Soomaaliyeed, dib u abaabul barnaamijkii qabiilka ee waa hore leyska ilaaway, af-lagaadeyn masuuliyiin qaran iyo been sheegid iyadoo qur’aanka kariimka ee aan ku dhaqano uu cadeeyay in beentu tahay xaaraan.

Hadaba muhiuimada ugu weyn ee qoraalkan ayaan ku eegeynaa sida loo noqon karo masuul Isboorti iyo sida Isboorgtigu uu uga madadx banaan yahay wax-yaabaha hada Soomaaliad naafeeyay ee loogu magac daray wax weybsiga 4.5, iyo hadal heyn muddooyinkan soo badatay oo la yiraahdo (Ehel Isboorti), waxaana ugu talagalnay qoralkan in sidoo kale aan ku iftiimino cida lagu tilmaami karo ehel Isboorti.

Waxaan sidoo kale qoraalkan ku bareynaa dadka Soomaaliyeed intooda aan wax badan kala socon taarikhda dadka maamula Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiiradiisa ay ku leeyihiin Isboortiga. Qoraalkan gudihiisa waxaan isku weydiineynaa dhowr su’aalood oo jawaabohoodana aan isla qoraalkan kusoo bandhigi doono.

YAA EHEL U AH ISBOORTIGA?

Ka hor inta aanan guda gelin cida Isborotiga Soomaaliyeed ehelka u ah iyo cida aan u ahayn, waxaan yara sharaxaad ka bixineynaa kalimada EHEL iyo macnaha buuxa oo ay xambaarsan tahay.

Ehelnimo, waxaa ay ku timaadaa laba siyaabood, waa tan koobaade waxaa ay ku timaadaa DHALYO, midaas dhalyada ku timaada hadii aan eegno dhamaan umada Soomaaliyeed ayaa wada ehel ah maadama ay wada dhasheen. Tan labaad ehelnimada Shey ehel loo ahaado, waa inay noqotaa mid joogto ah laakin ma ahan mid mar bilaabata ee hadana dhamaata, kaddibna la sheegto in sheygaas ehel loo yahay.

Marka aan usoo laabano Isboortiga yaa Ehel u ah, runtii qofkii mar soo cayaray ama sanado soo cayaaray kaddib xeyndaabkaas isaga baxay gebi ahaanba ehel laguma tilmaami karo, sabatoo ah qofkaasi ehelnimadii wuu kabaxay, waxaase ehel isboorti ah dadkii ilaa iyo waagii ay cayaaraha soo bilaabeen ilaa i yo hada ku dhex jira unasoo taagnaa ka shaqeynta horay usii dhaqaajinta Isboortiga oo lagala soo kulmay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay in dad badan oo muhiim ahaa noloshoodii ku waayeen iyagoo xilalkooda gudanaya.

Kuwaa ayaa runtii ehel u ah isboortiga waxaana tusaale kuugu filnaan doona masuuliyiinta hogaankla u haya Isboortiga Soomaaliyeed oo aan si kooban uga sheekeyn doono taariikhohooda xiliyadii ay soo bilaabeen iyo sida ay ilaa iyo hada u dhex taagan yihiin.

DASTUURKA OLOMBIKADA ADDUUNKA HALKEE KAGA TAALAA IN QOF SOO CAYAARAY OO KELIYA UU MAAMULE NOQDO?

Guddiga Olombikada adduunka oo ah hey’ada ugu sareysa ee maamusha Isboortiga aduunka wadamada xubnaha ka ahna ay ku dhaqmaan dastuurkeeda oo lagu dabaqay dastuurada dalalku leeyihiin oo ah ku lamaansan kan IOC lama sheegin meel ay kaga taalo in qofka Isboortiga dalkiisa hogaaminaya uu ahaado qof horay usoo cayaaray, waxase dastuurku uu cayaartoyd ku tilmaamayaa farsamayqaano shaqada ay qabanaayaan ku kooban hadib karka ay gaboobaana cidii maamul rabta ay jamacad u gasho oo soo barato, qofkii soocayaaray ee aanmaamul barana waxaa uga dhwo qofkii maamulka isboortiag soo barta isagoo aan marnaba soo cayaarrin sida dastuurku leeyahay, sababtoo ahy horumarin ayaa markaas laga shaqeynayaa ee lama cayaarayo

Laakinsu’aashu waxay tahay yaa isu sharixi kara xil Isboorti?

Xil Isboorti waxaa isu sharixi kara sida dastuurku qabo qof ku dhex jira xeyndaabka oo isagoo aan wali ka bixin isusoo sharaxa dhanka maamulka. Tusaale ahaan hadii aan ciyaartoy soo ahaa ee ka dhex baxay muddo kaddib mar qura xil isuma soo taagi karo, waxaana loo baahan yahay in marka hore uu qofku xeydaabka uu horay uga baxay kusoo laabto isagoo kasoo galaya dhanka macalinimada, garsoor, ama ugu yaraan la shaqeeyo nidaamka jira IWM, taas macnehedu waxaa uu yahay in qofka isusoo sharaxaya uu noqdaa mid xiligaas shaqada ku dhex jira laakin 20 sano ka hor ayaan soo cayaaray, waan ka baxay hadaan soo laabanayaa isla markiina maamul ayaan horay ka galayaa dastuurka Olombikada aduunka meel ay kaga taalo ma jirto.

Halkee laga soo xigtay qofka maamulaha isboorti noqonaya wa in uu horay usoo cayaaray?

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaan ka maqleynay saxaafada qeybeheeda kala duwan dad teleefishinada ka hadlaya oo ku doodaya anagaa soo cayaari jirnay 20 sano ka hor marka waa in aan isboortiga dalka hogaamino.

Qaar ka mida dadkaas oo aanan hada magacyadooda soo qaadaneyn waxaay ay ku andocoonayeen in dadka isboortiga maamula aanay ahayn kuwo horay usoo cayaaray ama isboorti waligood kasoo shaqeeyay, waxaana taasi ay tusaale u tahay in kuwa doodaya anayan laba socon Isborotiga Soomaaliyeed hada iyo mar hore intaba.

 

                                               Halkan waxaan idinku bareynaa madaxda GOS iyo xiiriirada.

1-    Guddoomiyaha GOS Cabdulalahi Axmed Tarabi, iskaba daa ciyaartoynimo ee hada ma ahayn ee 30 sanadoo ka hor ayay ahayad markii uu darajada ugu sareysa ka gaaray Isboortiga taasoo ah macalin qaran, sababtoo ah macalinimadu waa wax qofka aan ka harayn oo xataa hadii uu dhinto la oran doono Alle ha u naxariistee macalin Hebel, laakin darajada guddoomiyenimada ee uu hada hayo way dhamaaneysaa mar hadii uu xilka ka dago. Tarabi in ka badan sadex meelood laba meel cimirigiisa ayuu kusoo qaatay Isboortiga, wuxuuna ka mid ahaa dadkii 90-meeyadii halganka dheer u galay dib usoo nooleynta Isboortiga dalka.

Tarabi waxaa la xusuustaa in dhowr jeer la xabadeeyay isagoo xili habeen ah kasoo socda stadium Banaadir unasoo talaabaya dhanka koofureed ee magaalad Muqdisho oo xiligaa kala xirneyd, uuna ka mid ahaa ragii u halgamay in Cayaarihii rajo soo clinta lagu bur buriyo qadkii cagaarnaa ee Muqdisho.

2-    Duran Axmed Faarax  Hada waa xoghayaha guud ee GOS, wuxuu yaraantiisii soo ahaa ciyaartoy kubada koleyga inkastoo isagoo wali juinior ah ay dowladii dhacday Soomaaliya. Kaddib inkastoo uu dalka kasoo baxay hadana wali wuu kusii dhex jiray Isboortiga wuxuuna ka mid ahaa rag hanta  kusoo bixiyay dib usoo nooleynta Isboortiga Soomaaliya. Wuxuu heystaa shahaadada ugu sareysa ee maamulka Isboortiga ee uu bixiyo gudiga Olombikada aduunka wuxuna soo bartay sports science. Waa nin aad u fir fircoon kuna xeel dheer dhismaha xiriirka caalmiga ah, aqoontiisana hada Isboortiga Soomaaliyeed ayaa u baahan oo looga faa’iideeyaa.

3-    Cali Siciid Guuleed Rooble, hada waa guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta sanadku markuu ahaa 1971-kii ayuu cayaaryahan heerka 2-aad ah noqday sanadkii 1973-kiina wuxuu u saftay naadigii minishiibiyo heerka 1-aad ,kaddib wuxuu usoo cayaaray kooxo kala duwanoo ay ka mid ahayeen badda iyo Somalitax. Xiligii dowladu dhacday kaddib wuxuu ka mid ahaa ragii usoo dhabar adeygay dib usoo nooleynta Isboortiga dalka oo Isbartiibooyinka geedaha ka jray una horseeday cayaaraha Soomaaliya in ay mar kale soo noolaadaan. Cali siciid darajada guddoomiyenimada ee hada uu hayo ka hor wuxuu soo noqday macalin qaran oo ah tan ugu sareysa ee darajo Isboorti laga gaaro lana ogyahay in xitaa guddoomiyenimada ay ka qiime badan tahay maadama ay tahay darajo aan dhmaan, guddiga fulinta GOS wuxu kasoo galay dhanka kubada cagta oo ah xirfada uu muddo dhee kusoo shaqeynayay.

4-    Cumar Cabdul qaadir Baarajab, Waa magac ilmaha yar yari xitaa ay garanayaan oo marka kubada koley laga hadlayo ay waalidiintu caruurta uga sheekeeyaan baarajab iyo waxa uu ahaa. Xubinimadiisa gudiga fuilinta ka sokow darajada ugu sareysa ayuu isna soo gaaray oo ah maclin qaran barigii dowladii hore. Wixii ka dambeyayna wuxuu ka mid ahaa raga tabarucaada ku bixin jiray horumarinta Isboortiga gaar ahaana kubada koleyga oo ah meesha uu kusoo barbaaray kanasoo galay guddiga fulinta.

 5-   Abuukar Islow Xasan, waa magic isna an cusbeyn oo lagu xusuusto kooxdii madbacada, wsuxuuna aha acayaaryahan lagu xisabtamijiray, kaddib wuxuu soo noqday macalin weyn oo lagu xusuustoi dib usoo noioleynta isboortiga markii dowladu dhacday kaddib, waxana uu sidoo kale gaaray darajada ugu sareysa oo ah macalin qaran Kubada cagta, waana halka uu kasoo galay gudiga fulinta ee GOS .

6-    Xaaji maxamed Axmed Colow, Nin weyn iga dheh, waa garsoorihii soomaaliyeed ee ugu horeeyay taariikhda inta la ogyahay ee noqda caalami dhanka kubada koleyga, sanadkii 1973-kii. Kasii hor 1956-kii wuxuu qaaday gool dhalinta cayaarihii degmooyinka gobalka Banaadir ilaa iyo xiligaana maalin qura kama dhex bixin Isboortiga. Wuxuu ka mid ahaa cayaartoiydii lagu furay garoonka Stadium Banadir.

7-    Prof Maxamed Cali maxamed  Sida ka muuqata magiciisa waa aqoon yahay, wuxuuna ahaa ninkii labaad ee Soomaaliyeed ee soo barta ciliga Physical education oo uu kasoo baxay jaamacad ku tala Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga sanadkii 1958-kii waxaana muddo bilo ah ka horeeyay oo keliya Alle ha u naxariistee Prof maxamuud Xasan Nuur, Prof Maxamed cali wuxuu meel sare ka gaaray darajada isboortiga aduunka oo uu noqday xubin guddiga fulinta cayaaraha fudud ee adduunka, iyo sidoo kale la taliyaha xaga sharciyada ee xiriirka cayaaraha fudud ee adduunka, waa nin aqoon badan u leh isboortiga wuxuuna hada kasoo galay guddiga fulinta dhanka cayaaraha fudud oo uu ilka heer caalami ka gaaray.

8-    Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) waa nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon wuxuu sanadki 1983-kii soo galay garsoorka kubada gacanta uu oo ilaa iyo heer caalami ka gaaray, kaddib markii dowladu dhacday kama harin ee uxuu kasii mid ahaa ragii usoo dhabar adeygay dib usoo nooleynta isboortiga walina wuu ku jiraa waana nin madaale isboorti ah guddiga fulintana wuxuu kasoo galay kubada gacanta oo ah xirfadiisa. Wuxuu heystaa shahaado sare oo xaga maamulka Isboortiga ah oo uu bixiyay guddoomiyhihii hore ee Olombikada aduunka Juan Antonio sanadkii 2000.

9-    Khadiijo Aadan Daahir, waa gabar fariidad ah laguna tilmaamo in ay raga qaarkiiba ka fir fircoon tahay, kuma cusba magac ahaan isboortiga, waxaana sanadkii 1979-kii ay ka mid ahayd garsooreyaashii ugu cad cadaa cayaarihii All Arab games ee Muqdisho lagu qabtay waxaana ay garsoor ka ahayd qeybta cayaaraha fudud oo xiligaana abaal marin lagu siiyay. Markii dowladu bur burtay kaddib meel iskama fariisan ee waxaa ay ka mid ahayd dadkii wax badan usoo jeeday dhibatadana kasoo maray dib usoo nooleynta isboortiga dalka, hadana gudiga fulinta waxay kasoo gashay cayaaraha fudud oo ah meesha ay kusoo qaadatay waqtigeeda inta badan walina dhex taagan tahay.

 

10- Ibraahim XuseenCali Roombe, waa oday ma daale ah sanadkii 1980-kii ayuu xubin ka noqday guddiga fulinta ee xiriirka kubada koleyga Soomaaliyeed, dhanka maamulkana wuxuu guddoomiye kasoo noqday degmooyin badan oo ku yaala gobalada dalka, siuda Shibis, oo Banaadir ah iyo Baardhere oo Gedo oh iyo kuwo kale, xaga maamulka Isboortiga waxaa uu heystaa shahaado sare oo uu bixiyay gudiga olombiukada aduunka wuxuuna guddiga fulinta kasoo galay dhanka kubada koleyga oo ah meesha uu waqti badan kusoo qaatay.

 

11- Ibraahim Shaamosw, waa nin ganacsade ah muddo dheerna isaga iyo qoyskiisuba ka mid ahaayeen maal geliyayeyaasha ugu waaweyn ee isboortiga dalka lagasoo bilaabo 60-meyadii waxaana lagu xuustaa shirkadii Shamow Blast, kaddib dhicitaankii dowladii hore wuxuu ugu horeyay ganacsatada maal-gelinta ku sameysay Isboortiga waxaana dastuurka guddiga Olombikada aduunku uuu qabaa in cidii hanti iyo xoogba gelisa isboortiga ay xaq u leedahay maamulka sare in ay ka mid noqoto, qofkii cadeymo dheeraada u baahana wuxu geli karaa website-ka guddiga olombikada aduunka qeybta Olympic charter.

 

12- Cabdi Casiis Goodax Barre, waa journalist caan ah ka hor guddiga olombikada-na wuxuu xubin ka ahaa ururka saxafiyinta Isboortiga aduunka oo uu xirfadiisa ku gaaray, sidoo kale wuxuu ka mid yahay dhalinyaro hanti ku bixiyayu dib usoo nooleynta  kubada koleyga Soomaaliyeed, oo uu sidoo kalana ka yahay macalin kubada koleyga, wuxuu isna heystaa shahaado maamulka isboortiga ah oo ay bixisay IOC iyo shahado macalinimo sare ah oo uu bixiyay xiriirka kubada koleyga aduunka, waana halkaas meesha uu kasoo galay guudiga fiulinta.

 

13- Xasan Axmed Barre, waa nin dhalinyaro ah oo fir fircoon,xiligii dowladii hore wuu yaraa balse dhamaadkii 1989-kii ayuu bilaabay barashada kubada koleyga, kaddibna wuxuu ka mid noqday dhalinyaradii dib loogusoo nooleeyay xiriirka kubada koleyga, wuxuu ka mid noqday qaranka kaddib wuxuu usoo wareegay dhanka maamulka wuxuuna heystaa shahaado sare oo maamulka Isboortiga ah oo uu bixiyay gudidga Olombikad aduunka, waana halkaas meesha uu kasoo galay gydiga fulinta.

 

Intaas waxaan kaga talaabeynaa qeybtii aan dadk Soomaaliyeed intooda aan aqoon ku bareynay dadka maamulka Isboortiga Soomaaliya hogaanka u haya iyo mudada fog oo ay kusoo dhex jireen walinaay dhex taagan yihin oo meelna aaanay kaga bixin kuwaas ayaana dhab ahaan lagu tilmaami karaa ehel Isboort,oo aan ku iman qabiil iyo wax-yaabaha hada la doonayo in bulshada lagu kiciyo oo beenta loogu sheego  laakin qof mar soo cayaaray hadana ka fariistay ee aan dib dambe see la yahay usoo oran oo danihiisa kale ka raacday ehel  laguma tilmaami karo, ehelnimadu ka sokow mida dhalashada ah waa in qofku uusan meelna uga dhex bixin waxa uu sheeganayo in uu ehel u yahay.

Ugu dambeyntii xoghayaha guud ee GOS Duran Ahmed Faarax oo isagoo safar shaqo kasoo laabtay kuna sugan garoonka diyaaradaha Dubai oo kusii jeeda Mudqisho aan maanta qadka telefonka kula xariiray waxna ka weydiiya waxa uu kaga jawaabayo warar been abuur ah oo maalmahan saxaafada aan wadaniyiinta ahayni ay ka faafiyeen olombikada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku jasaabay

(Waan hayaameynaa,Horaybaan u soconaa,Hakan meynoo, Hamigeenu Horumar weeyee, Hadal yar iyo Howl badan, Hal ku dhigeenu ha inoo Ahaado) Taasi waxaa ay muujineysaa in qofka marka uu shaqo qaran oo culus hayo uusan dooneyn hadal badan iyo fadhi ku dirir taa badalkeedana uu ka jecelyahay Howl qabad badan.

 W/Q: Xubin ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here