Sidee loo doortay Axmed Macalin Fiqi..Yaase doortay?

Axmed Macalin Fiqi
Axmed Macalin Fiqi

Axmed Macalin Fiqi, Taliyihii hore Nabadsugida Qaranka Soomaaliya, ayaa maanta lagu doortay magaalada Cadaado inuu kamid noqdo xubnaha aqalka Hoose u matalaya maamulka Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi ayaa kursigaan kula tartami lahaa Ganacsade Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Safiirkii hore Pakistan Danjire C/salaan Xaaji Axmed Dhaban-cad.

Hadaba waxaa soo baxaya cabashooyin ka imaanaya waxgaradka iyo Odoyaasha Beesha Cabaddale Sacad, kuwaasoo sheegay in Fiqi lagu doortay qaab aan sharci ahayn islamarkaasna ay u codeeyeen Ergo aan xitaa kamid ahayn Beesha Cabdalle Sacad.

Odoyaasha Beesha Cabadalle Sacad, ayaa Gudiga Doorashooyinka Galmudug ku eedeyay ineey Fiqi u xareeyeen Ergo Aan Ergadii saxda ahayn oo ay Beeshu ku heshiisay.

War-saxaafadeed ay Beesha soo saartay ayaa waxaa Saxaafada u aqriyay Nabadoon  Maxamuud Axmed Aadan oo kamid ah 135 Oday.

Fiqi, ayaa horay uga mid ahaa Siyaasiyiinta sida Ba’an uga soo horjeeday Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, balse waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya inuu Heshiis Hoose la galay Xasan Shiikh, taasoo keentay in isagana ay ku taageeraan inuu kamid noqdo Xildhibaanada aqalka Hoose ee Galmudug u matali doona Baarlamanka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Odoyaasha Beesha Cabadalle Sacad ay maanta ku dhawaaqeen ineey ka fiirsan doonaan kamid ahaanshaha maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Madaxweyne Guuleed, sidoo kale waxeey sheegeen in hadii aan wax laga qaban doorashadii maanta sharci darrada ahayd ay ku biiri doonaan maamulka Ahlusuna ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusomareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here