Sidee ayuu Turkiga u baajiyay weerar Milatari oo ay Xulufada Sacuudiga la damacsanaayeen Qatar?

Wargeyska ThenewKhalij ayaa daabacay warbixin ka hadleysa weerar Milatari oo ay Xulufada Sacuudiga u qorsheeyeen ineey ku qaadaan dalka aadka u yar balse Hodanka ah ee Qatar, balse markii uu Turkiga ku dhawaaqay inuu ciidamo u dirayo Qatar ayaa carqalad ku noqday qorshihii Sacuudiga iyo Imaaraadka, kuwaasoo si aad ah uga carooday tallaabada uu Turkiga qaaday.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ThenewKhalij u xaqiijiyay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay qorsheeyeen weerar Milatari oo xukunka looga tuurayo Boqorka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani, balse tallaabadii uu Turkiga ciidamo degdeg ah ugu soo diray Doha ayaa fashiliyay dhagartii ay damacsanaayeen Imaaraadka & sacuudiga.

Diblomaasi diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga dajiyeen qorsho weerar Milatari iyagoo ka faa’iideeysanaya kahor inteeysan dalkooda Qatar kusoo laaban Ciidamada dalkaas ee qeybta ka ah Howlgalka dagaalka Yeman.

Diblomaasigaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Imaaraadka leeyahay ay gaareen dalka Baxreyn, kuwaasoo qorshahooda yahay ineey dhanka Badda ka weeraraan Qatar islamarkaasna la wareegaan Dekadaha dalkaas iyo Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad International Airport, halka Ciidamada Sacuudiga iyagana qorshahooda uu ahaa ineey dhinaca dhulka kazoo weeraraan.

Qorshaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa wuxuu ahaa in marnaba aan si shaac ah loogu dhawaaqin weerarki Milatari balse uu ahaado mid Gaatiin ah, kadibna xilka laga qaado Tamim bin Hamad Al Thani laguna wareejiyo ruux katirsan dhaxalsugaha.

Balse Go’aankii uu Baarlamanka Turkiga 6dii Bishii hore ee June ku gaaray in ciidamo loo diro Qatar ayaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay qorshihii ay wateen Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxeeyna ku qasbanaadeen ineey baajiyaan weerarkii Milatari ee ay la damacsanaayeen Qatar.

Tallaabada uu Turkiga qaaday ayaa waxaa si aad ah uga carooday wadamada Imaaraadka,Sacuudiga iyo Masar, kuwaasoo u arka inuu si weyn u dhaawacay qorshahoodi.

Turkiga ayaa Qatar sanadkii 2014 Heshiis kula galay inuu saldhig Milatari ka sameysto magaalada Doha ee xaruunta wadankaas, waxaana heshiiskaas saxiixay oo meel mariyay Baarlamanka Turkiga 6da Bishii June ee lasoo dhaafay, waxaana durbadiiba Doha gaaray ciidamo iyo saanad Milatari oo uu Turkiga leeyahay.

Dhibaatada wadamada Khaliijka ayaa soo ifbaxday 5tii June ee sanadkaan, waxaana wadamada Imaaraadka,Sacuudiga,Masar iyo Baxreyn ay ku dhawaaqeen ineey xiriirka u jareen dalka yare e Qatar iyagoo kusoo rogay cunaqabateyn dhulka Badda ah iyagoona ku eedeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada, sidoo kale waxyaabaha Qatar lagu eedeeyay waxaa kamid ah ineey xiriir dhow la leedahay dalka Iiraan. Balse Doha ayaa diiday dhamaan eedeeymaha loo soo jeediyay.

Waxaa Diyaariyay Bashiir Addow Ahmed.

Email: Salmaansaleebaan@gmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here