Siddee u dhacday doorashadii guddigga olombikada Soomaaliyeed? (Warbixin & Sawirro)

Maalintii shaley waxa ka dhacday magaalada Muqdisho doorashadii lixaad ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Waxa xilkan loo doortay xoghayihii hore ee guddiga GOS, Cabdulaahi Axmed Tarabi.

Tarabi ayaa horrey u ahaa muddo dheer macalinka kooxda wiilasha ee kubadda kolayga Soomaaliya.

Xilkan ayaa waxa uu heyn doonaa muddo afar sano ah sida uu qabo xiriirka olombikada Soomaaliyeed.

Tarabi ayaa doorashada kaligiis uu isku soo taagay mana jirin cid la tartameysay, waxana uu ku guuleestay 18-cod.

Doorashada waxa ka qaybgalay dhammaan xubnaha xiriirada ee ka jira dalka kuwaasoo qaar badan ka yimid gobalada waddanka oo dhan oo ay ku jirto Puntland.

Ku xigeenka wasiirka ciyaaradaha Baashir Maxamed Jaamac oo goob joog ahaa doorashada ayaa sheegay in loo baahan yahay ciyaaraha Soomaaliya in la horrumariyo.

Waxa kaloo doorashada joogay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa isna ka sheegay goobta in uu ku faraxsan yahay qaabka doorashada ay ku dhacday.

 

Waxana uu sheegay in uu arkay markii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho lagu dooranayo guddiga olombikada Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhacday hotelka Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho

Waxa xilkan horrey u hayay Aadan Yabarow Wiish oo bishii April sannadkii hore ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Tiyaatarka Qaranka Muqdisho.

 

Xubnaha cusub ee guddiga Olombikada Soomaaliya waxa ay kala yihiin:-

1-    Abdullahi Ahmed Tarabi     President
2-    Ahmed Abdi Hassan     Senior vice president
3-    Hassan Ahmed Abdi    2nd vice president
4-    Ibrahim Abokar Shamow   3rd vice president

Xubnaha xoghaynta

5-    Duran Ahmed Farah     Secretary General
6-    Mohamed Abdow Hajji    Treasure

Xubnaha guddiga fulinta

7-    Maxamed Axmed Coloow

8-    Faadumo Cali Nuur

9-    Ibrahim Hussein Ali (Roombo)

10- Khadijo Aden Dahir

11- Ali Said Guled Roble

12- Abokar Islow Hassan

13- Mohamed Hurshe Hassan

14- Prof Mohamed Ali Mohamed

15- Omar Abdulkader Barajab

16- Abdi Aziz Godah Barre

17- Prof Yusuf Alasow Mohamed

18- Hassan Ahmed Barre

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here