Siddee gargaarka la siiyo Soomaliya loogu maalgaliyaa Al-Shabaab?

Cabdirisaaq Fartaag wuxuu horrey u ahaa hanti dhowraha maaliyada dowladda intii u dhexeysay 2009 ilaa 2011
Cabdirisaaq Fartaag wuxuu horrey u ahaa hanti dhowraha maaliyada dowladda intii u dhexeysay 2009 ilaa 2011

Warbixin dheer oo uu qoray maanta oo Isniin ah, Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa lagu sheegau in dhaqaale badan oo hey’addaha gargaarka siiyeen Soomaaliya, loo wee ciyay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dikumintiyo muujinaya in dhaqaale badan oo la rabay in lagu dhiso dalka ay dagaallada halakeeyeen ayaa muujinaya in dhaqaalahaas qaar badan loo isticmaalay siyaabo kala duwan ama uu u gacangalay Al-Shabaab.

Malaayin doollar oo gargaar ahaan loo siiyay dowladda Soomaaliya oo qaar badan ka yimid waddamada Carabta ayaa la sheegay in aan la dhagin Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Cabdirisaaq Fartaag wuxuu horrey u ahaa hanti dhowraha maaliyada dowladda intii u dhexeysay 2009 ilaa 2011 ayaa sheegay in dhaqaale badan oo lagu taageeray dowladda aaney la soo galin Baanka dhexe

Wuxuu $48 Milyan oo la rabay in la dhigo Baanka dhexe ayuu sheegay in aan la ogeyn meeshii laga keenay, lacagtaas ayaa ka timid waddanka isku-taga imaaraadka carabta.

Wuxuu kaloo sheegay Mudane Cabdirisaaq in lacag kale oo ka timid Qadar aan la heynin meel la dhigay.

Si la mid ah Iran oo lacag gaareysa $20 Millyan oo dollar oo ay siisay Soomaaliya sannadkii horre ee 2013-ka lama hayo meel la dhigay sidda lagu sheegay warbixinta.

Soomaaliya waxa ay kaalinta koowaad ku jirtaa waddamada ay la hareen musuq-maasuqa dunidda.

Haddaba Warbixnta oo faah-faahsan kuna qoran afka Ingiriiska halkan hoose ka dhageyso.

www.midnimo.com/2014/03/03/somalia-somalia-aid-cash-funds-al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here