Siddee lagu heli karaa xul qaran oo matalla Somalia?

Kooxda Somalia oo nus darsan goolal ah loo saariyay
Kooxda Somalia oo nus darsan goolal ah loo saariyay

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Mindimo.com sidda aad ula socotaan wararkeena xaley, kooxda qaranka kubadda cagta Soomaaliya ayaa looga adkaaday 6 iyo o cayaar ka tirsan is-reeb-reebka tartanka qaramada Afrika.

Xulka Sudan ee da’dooda ka hooseeya 21-jirrada ayaa ka adkaaday kooxda qaranka dalkeena Soomaaliya.

Haddaba guuldarradan ma ahan tii ugu horreysay ama ugu dambeysay, oo xulka tan iyo siddii dowlad la’aantii waaba laag soo adkaanayay.

Dhibaatooyinka horrey loo sheegi jiray waxaa ka mid ahaa in kooxda Soomaalida aaney ku tababbaranin garoomo caalami oo leh cowska macmalka.

Dhawaan garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa la casriyeeyay waxaana laga dhigay garoon caalami ah oo waxaa la dhigay cowska macmalka.

Hadii garoon la helay maxay tahay guuldarrada weli socota.

Siddee lagu heli karaa xul qaran oo matalli kara Soomaaliya?

Ma tahay mid sax ah sidda hadda lagu soo xulo kooxda qaranka Soomaaliya?

Aragtidaaada noo soo qor, Mahadsanid.

 

1 COMMENT

  1. Walaal marka hore wan ini sakamata salamaya sakan ka bacdi waxan ka so jeefa G/awdal xaruntisa borama waxa iga tala ah in gobol waliba oo somaliya ka mida in loo qaybiyo ka mida qsybiyo oo la sameeyo sadex gobol laga so kaxeeyo dhex sadex kalan weerar sadex kalana difaac oo iskuwada mid ad noqotan hadise ay niqoto meek qudha midho dhalis ma noqo nayso intasan ku so kobi lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here