Sicirbarar ka taagan Xudur

Sicirbarar ka taagan Xudur
Sicirbarar ka taagan Xudur

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegay in halkaas ay ka jirto cicir barar,kaddib markii dowladda ay kala wareegtay Al-Shabaab qiyaastii muddo laba toddobaad.

Kooxda Shabaab, ayaa waxay ku amrayn darawalada ka xeeya gaadidka sida ganacsiga inaysan wax ganacsi ah gayn karin Xudur, sidoo kalana aysan ka soo qaadi karin. haddii aynaan sidaa yeelina ay dab qabadsiin doonaan.

Ganacsatada oo dareen ka muujisay awaamiirta Al Shabaab, ayaa waxaan jirin wax ganacsi ah oo ay geeyaan Magaalada Xudur, iyagoo si caadi ah isugu goosha deegaanada kale ee Gobolka Bakool.

Qiimihii caadiga ahaa ee la kala siisan jiray maciishada, ayaa waxaa ku yimid sare u kac laba laab ah, taasoo nolosha ka jirta Magaalada Xudur ka dhigtay mid liidata.

Sidoo kale shidaalka, ayaa waxa uu noqday mid cirka isku shareera qiimihii horey loogu kala iibsan jiray, iyadoo ay dadka reer Xudur kuu sheegayaan inaysan wax nolol ah kuba haysan Magaaladaasi.

Go’aanka ay Shabaabku xayiraadaha ugu soo rogayn magaalada Xudur, ayaa waxay toddobaadkaan ku gaareen deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here