Shirweynihi Istanbul oo caawa lasoo gaba gabeeyey

Shir laba maalmood uga socday magaalada Istanbul madaxda siyaasada Soomaaliya iyo hogaamiyaal caalamka ka socday ayaa goor dhawyed oo caawa ah lagu soo gaba gabeeyey magaalada Istanbul.

Ila wareedyo ku sugan halka uu shirka ka socdo ayaa noo xaqiijiyey in waxa la sugayaahi ay yihiin warmurtiyeedka lagu wado in shirka laga soo saaro, kaasi oo qeexi doona wixi la isku raacay mudadi uu kulanka socday.

Waxaa la hadalhayaa in shirkan uu taageeray dowlada xoog leh oo loo sameeyo Soomaaliya iyo in la dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wixi kusoo kordha arrimaha Shirka Turkiga ee soo gaba gaboobay dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.