Shirkii Maalgashiga Soomaaliya iyo dib udhiska oo maanta soo dhammaanaya

Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, in lagu soo gabagabeeyo shir caalami ah oo looga hadlaayo maalgashi iyo dib udhis laga sameeyo dalka ay dagaalada burburiyeen ee ku yaalla geeska Africa Soomaaliya.

Shirarkan oo shaley ka furmay xarunta shirarka ee Kenyatta (KICC) ee magaalada Nairobi waxaana soo qaban qaabisay shirkan shirkad shisheeye oo dhinaca ganacsiga qaabilsan oo lagu magacaabo HanVard Afrika.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Americ oo furitaanka shirka ka hadlay  ayaa ku amaanay  soo qabanqaabiyayaashii inay dalkooda wax wayn u qabteen dawlada Soomaaliyana ay garab taagantahay qorshaha lagu doonayo in lagu maalgashado Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay soo dhaweyso qof walba oo doonaya, in uu maalgashi ka samaysato” ayuu yiri Cali Ameeriko.

Ambassador Maxamed Cabdi affey oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii soo Kenya oo isagu hogaaminayay qaybtii koowaad ee shirka ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay waddan istiraatiji u ah ganacsiga iyo maalgashiga wadamada gobolka.

Maxamed Cabdi Afeey ayaa tilmaamay Soomaaliya ay gashay marxalad cusub, waxayna diyaar u tahay inay u fududeeyaan qof kasta oo doonaysa in uu halkaa ka samaysato maalgashi, waxaanan ku boorrinayaa dadka Keenyaanka ah inaan fursadaas looga hormarin.

Xassan Nuur oo ah madaxa hay’adda Hanvard qaybteeda Afrika oo ah hay’adda shirkan qabanqaabisay ayaa sheegay in sida looga soo qeyb galay shirka ay muujinayso in lagu guulaystay ujeedkii shirka oo ahaa in la isu keeno dhammaan dadka daneeynaya maalgashiga iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xilligan fursado ganacsiga oo muhiim ah ay ka jiraan Soomaaliya.

Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Matt Bough oo ka qeyb-galaya kulanka ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan weyn ka geysan doonto horumarka iyo maal-gashiga Soomaaliya.

Shirkan oo shaley furmay Shirkadda HanVard iyo iyo Shirtlif ayaa heshiis ku aaddan maal-gashi iyo ganacsi lagu sameeyo Soomaaliya ku kala saxiixday madasha shirka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here