Shirkii Kismaayo oo heshiis is afgarad ah laga gaaray

Shirka Kismaayo
Shirka Kismaayo

War Goordhaw naga soo gaaray magaalada kismaayo ayaa sheegaya in Madaxda Soomaalida ay ku hishiiyeen qodobo markii hore la’isku mari la’aa.

Wararka horu dhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegaya in la isku afgartay in Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka 4.5, halka Aqalka sare lagu soo xulo hab deegaan oo ah degmadooyinkii wixii ka dambeeyay 1991.

Sidoo kale waxaa gebi ahaanba meesha laga saaray in aanu jiri doonin muddo kororso, maadaama labadii maalmood ee la soo dhaafay markii qodobadaas la isku mari la’aa ay soo baxayeen in la sameeyo muddo kororsi.

Waxaa goor dhow lagu wadaa in la soo saaro war murtiyeed ay wada saxiixeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here