Shirkii Kismaayo oo guul daro ku soo dhammaaaday [Faah-Faahin]

Hotel Tawakal oo ah halka uu ka socdo shirka Dowladda iyo maamulka KMG
Hotel Tawakal oo ah halka uu ka socdo shirka Dowladda iyo maamulka KMG Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shir muddo seddax cisho ah uga socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka ku-meel-gaarka ee ka dhisan magaaladaas, uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyo is-fahanwaa.

Sida ay inoo sheegeen saraakiil ka qaybgalaya shirka, labada dhinac ayaa kala istaagay mowqif aad u kala fog.

Ra’iisal wasaare Saacid iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, waxa ay maamulka kumeel-gaarka ee u hoggaamiyo Axmed Madoobe, ka dhaadhicineysay in dowladdu tahay tan kaliye ee hormuudka u ah qaabka iyo sida loo sameen karo maamu loo dhiso gobalada Jubbooyinka loogana dambeeyo.

Sidoo kale dowladda ayaa u soo jeedisay Axmed Madoobe in la dhiso maamul kumeel gaar ah oo shaqeeya lix bilood, waxaana la sheegay in qorshahaas ay wadato wasaaradda arrimaha gudaha, qorshahan oo kale ayaa lagu sameeyay maamulka gobalada Baay iyo Bakoo.

Balse qorshahan ayaa ayaa la sheegay in uu ka biyo diidday Axmed Madoobe oo ah guddoomiyaha kumeel gaarka Kismaayo, isagoona dhiniciisa ugu baaqay ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga la socda in ay taageeraan shirka maamul u sameenta Jubbooyinka iyo Gedo ee ka socda Kismaayo oo shirkaasna la dhameestiro.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa kal horre sheegay in shirka ka socda Kismaayo uusan waa faqsaneen dastuurka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guulee, ayaa xaley fiidkii shir jaraa’id oo uu qabtay Hotel Tawal oo ah halka ay deggan yihiin wafdiga ra’iisal wasaaraha sheegay in wadahadaladii labad dhinac aysan dhalin wax natoojo ah oo la isku hayo arrimo dastuuri ah.

Isku soo duub, waxaa la sheegayaa in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu dib ugu soo laaban doono maanta magaalada Muqdisho, in kastoo wararka qaar ay lee yihiin waxaa laga yabaa in uu sii joogo si uu xal ugu heloo wax-yaabahan la isku mari la’yahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here