Shirkii ka socday degmada Taleex oo loogaga dhowaaqay Maamulgoboleed

 Shirkii Khaatumo 2 oo dhowrkii  maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Taleex ayaa la soo gabgabeeyey iyadoo dhamaadkii shirkana loogaga dhowaaqay dhismaha maamul goboleed hoos taga dowlada kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.

Maamul goboleedkan ayaa noqon doona mid ka kooban gobolada Sool,Sanaag iyo Ceyn.

Afhayeenka kulankan Aadan Cabdulahi Shuuriye ayaa sheegay in maamulkan uu noqon doono mid hoos taga dowlada kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ee beesha degta gobolada Sool,Sanaag iyo Ceyn.

Ku dhowaaqista maamul goboleedkan ayaa dhabarjab waxa uu ku yahay maamulada Somaliland iyo Puntland oo labadaba sheegta in deegaanadas ay hoos yimaadaan.


Maamul goboleedkan ayaa u muuqda mid buuxin kara shuruudaha axdiga dowlada kumeelgaarka ah u dejisey dowlad goboleedyada ee ah labo gobol iyo wixii ka badan.

Maamulka Somaliland oo sheegta inuu kataliyo gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa dhawaan shaaciyay inuusan aqoonsanayn shirka kadhacay degmada Taleex iyo go’aamada kasoo baxaya.

Maamulka Puntland oo ay dhiseen dadka kasoo jeeda deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa dhankiisa ka hadlin aragtidiisa ku wajahan shirka ka furmay degmada Taleex ee khaatumo 2.