Shirkii Golaha Wasiirada oo Soo idlaaday iyo Qodobadii Looga Hadlay ” Warbixin ”

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo idlaaday Shirkii ugu horeeyay ee ay yeesheen Golaha wasiiradacusub , iyagoo kulanki maanta uu ahaa mid looga hadlay arimo dhowr ah.

Shirka Golaha waxaa shir gudoominayay Wasiirka koobaad ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid , waxaana looga hadlay qorshaha cusub ee Xukuumada ay ku shaqeyn doonto Aafarta sano ee soo socota.

Kulanka oo banaanka ay ka joogeen warbaahinta waxaa marki uu soo idlaaday la hadlay saxaafada Wasiirka Warfaafinta Xukuumada cusub  C/laahi Ciilmooge Xirsi, isagoo sheegay in kulanka maanta diirada lagu soo saaray sidii loola jaan qaadi lahaa isbadalka cusub , sida wax ka qabashada amaanka , dowlad wanaaga iyo qodobo badan kale oo xasaasi ah.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay Hantida Dowada tan maqan iyo tan ay hayestaan shacabka.

Golaha wasiirada ayaa isku raacay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo celiyo Hantida Dowlada ee ku maqan dibada iyo gudaha,waxaana uu wasiirka warfaafinta Soomaaliya sheegay inuu wax iska badalay shirkii golaha wasiirada oo ahaa Isbuucii Hal mar , waxaana hada laga dhigay Isbuucii Labo mar.

Shirkii maanta ayaa ahaa mid aad u dheer , waxaana golaha wasiirada u bilowday shaqadii afarta sano ee soo soctay loo igmaday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here